Qurbaha Dadka Ku Nool Ma is Tiri Waa ka hormareen Adeegsiga Qabiilka!
Oo Waxey Adeegsadaan Qofkaas Wa Reer ..Holland Ama Sweden,,,
Ogow Somalida Qabiilka AaD buu Ula Haray Bal eeeg ..?
Marka La Doono In la faaqido Soomalida iyo Qurbaha Waxa Kusoo baxaya dad badan oo aad ugu howlan iney isaga soo amba baxaan dalkii Hooyo, ayagoo doonaya iney helaan nolol dhaanta midda ay dalkooda ku haystaan.
sababaha ay dadkan uga haajirayaan dalkooda ayaa waxaa ka mid ah nabad gelyo daro, dowlad dhexe aan ka jirin dalka oo awood leh , waxbarasho laan, daryeel caafimaad oo aan meesha ka muuqan. haddii sida kale loo yiraa wadanka kama jirto nolol horumar leh iyo mustaqbal intaba.
Goormuu bilowday uso haajiridda qurbaha ?
Tixraac badan oo sameynay intii aanan qorin qormadan ayaa iso baxday dhowr arimod
oo ku saabsan Soomalida iyo qurbaha, ugu horeyn waxey bilaabatay 1970kii oo waxey aadi jireen wadamada carabta, haba ugu badnaadeen Sacuudiga ,iyo wadamada khaliijka,iyo jaziiradda carabta inta badan dadkaan waxay xirfadooda u badnayd xoogsato inkastoo ay jireen dad ganacsato ah balse tiro ahaan aad uga yaraayeen marka loo barbar dhigo kuwa ka xoogsada ah. waxaa kaloo iyana jiray arday u soo baqooli jirtay wadamadaan si ay wax barasho sare ugu helaan jaamacadaha kala duwan ee dalalka aan soo sheegnay.
xagga iyo wadamada reer yurub waxaa iyana jirtay arday aad u fara badan oo tagi jiray wadamada yurub siiba yurubta bari, ardaydaas waxay ku dadaali jireen si ay waxa barasho uga helaan jaamacadaha kala duwan ee wadamadasi ay fursada u heleen in ay tagaan. inta badan waxaa lacagta waxbarshada iyo noloshooda ka saacidi jiray ardaydaa dowladdii soomaaliyeed ee xiligaasi jirtay iyo deeqo waxbarasho
Dadka ma is tiri waa ka hormaren adeegsida qabiilka wali ?
Alle subxaana watacalaah wuxuu ku yiri Quraanka suuradda ..
سورة الحجراة13 (ياءيهاالناس انا خلقنا كم من د كر وانتى وجعلنا كم شعو باوقبا ئل لتعا رفو
Aayada mecnaheeda waxa waye . Dadoow waxaan idiinka abuurnay
Ragg ah iyo Dumar oo idiinka yeelnay oo Shucuub iyo Qabiilo kala Duwan inaad isku Aqoonsataan .
marka dib lo xusuusto Dowladii Kacaanka ee Maxmed Siyaad Barre oo21ka sano talinayey ee jaala siyaad wa nidaamkii ugu wanagsanaa ee umada so mara sida la ogsoon yahay
balse markii la riday maamulkasi laga bilaabo 1991 waxa so ifbaxay qilaaf siyasadeed aan so afjarmeen oo wali socda una dhaxeeya qabaailo kala duwan,waxa la timaamah in dadka xiligan xukun doonka ee qab qablayasha
Somalida ay yihiin kuwa kaligood taliyayaal ah, Nidaamka iyo kala dambeynta aan siin mudnaanta koowaad,waliba danta umadda iyo hananka dimoqoradiyadda sida sharciga kala dambeynta cadaalada sida ka muuqada Dhaqankooda markii ad eegto damacooda siyasadeed , uka weyn yahay kan shacabka.
Runtii markii maamulkii Madaxweyne maxmed Siyaad uu meesha ka baxay Dalka wuxu so maray Dhibaatooyin Dad iyo Duunyo galaaftay oo qabiilka saldhig u yahay ilaa hadana ka jira sida runta gudaha dalka Somaliya
qabiilka saldhig u yahay ilaa hadana ka jira sida runta ah gudaha dalkeena Somaliya oo noqotay meel bahalo galeen Soomali dhibaato ay iyada isku kentay waxa u dheer tan dariska aan lo kala harin
waxey taasi keentay in qurbo loo so yaaco oo laga raadsado nolol dhaanta tii Dalka Hooyo ka jirtay oo imika mugdi hareeyey Maato Dhameeynta aan lo meel dayin iyo Beri ma geydada waxa kasii daran wadaadii la gowracay isla Sanadkan wa yaabe imtixaanka Aduun uu qabiilka nabaday Oo anaga adeegsanay umaddan Allahayoow sidii roon ,naxariista eebe lagaba quusto.
Ogow dadka qurbaha jooga qabiilka mudnanta ma siiyaan
Iyadoo Qof Kasto Oo Maanta Qurbo Joogo Uu Siyaabo kala Duwan u yimaadeen iyo wakhtiyo kala Duwana So Galeen Waxaad la kulmeeh markad la shekeysato macno fara badan oo la xiriirta nolosha qurbaha waxey ku shegaayaan iney asalkooda ka soo guraan wadan hebel ay ka heystaan dhalasho sida wadanka Hollan ama sweden waw qofkaas waxa isla aheen Ex reer italy hada somalida walow aay aad ujecelyihiin iney ku noladaan
wadan inglish-ka ay uguuran wadan kaasi oo aad lo buuxshay isla markaana aad ka heleyso shaqo nolol sida la sheegay
aqoonsiga kowaad waxa ku so baxeysa in halkaasi u qabiil ka maran yahay misna waxey ku shegayaan halki xamar ay ka daganayeen sida D.hodon D.wardhigley D.Xamar weyne D.yaaqshiid iyo gabaladii ay ka yimadeen
iwm.markaas ayuu Qabiilka sura gal tahay inu galo kaalinta 3aad
inkasto ay jiraan tiro dad ah oo aad u daneeya Qabaailka Adeegsigiisa. ama ku howlan
Qurbo soo aadida waxey mareysaa heerkii ugu xumaah abid
Dad badan baa Badaha Naftooda kuso Biimeyey oo yiri Malto ama Morto . maalto waa wadan ka mid ah wadamada yurub leh jaziirad xebeed yar dad badan o muhajiriin ah so gareen o oo waxa sanadahan si weyn u dad badan oo tahriib ka soo bilaabay Somaliya ,soo maray itobiya, Saxaraha Sudaan, ilaa Liibiya, soo caga dhigay kadibna isku bimeyey dooni yar oo naftooda ku so bimiyeen . wa kuwa jeebkoda wax ku ogaaye o tahriibkaas lacag u haya qarkood wali waxey ku jiran xabsiyo iyogoo soo tahriibaya la xiray
waa yaab yaabkiisa ,kuwo kale waxey mareen dhinicii kale ee carbeet waxey adeen halkaa iyo waqooyi bari Bosaso kadibna Yamen ayey afka adiyeen oo wali waxa la layahay kumanan somaali ah o laga garaneyn halka ay jaan iyo cirib dhigeen .
naftaada wax ka qaalisan ma jiro, in la haligana ama badaha lagu tuuro Eebe Raali kama ahan oo Alle wu xarimay arinkaasi in lagu dhaqaaqo ee mid ogow muhaajirintu waxey ku leeyihin noloshaas aan ka so tagnay ee gumeystaha dalka looogu yeeray .,Hadaba faalada yaanan ku dheerane dhibaatadaas oo dhan ma is tiri waxa Sal udhig u ah Adeegsiga Qabiilka ee 18jirsaday iyo Gacan Shisheeye Faraglinteeda oo Kolba Hogaamiye Kooxeed Hormuud ka Noqdeen hade ogow qabiilku aad buu noola haray
Shukri Siidow Xassan
Shukri Sharaf
sharaf_som@hotmail.com Sweden Borlange



IslamOnline












