jacaylkii hadhsan waa qaybtii 4aad

Submitted by webmaster on Fri, 2012-01-27 06:07

Abdirashid abdulahi ahmed (dhanaane) -

Akhirtayaal waa markale iyo sheekadeenii 7 dabaadlaha ahayd iyo qaybteedii 4aad sheekadan qaybteedii 3 aad waxay inoo maraysay.

Kaltuumo way tiigsatay amiin waxayna tidhi wiilkii maxaa kudhacay waa uu dahaye waxayna usoo dhaqaaqday dhankii xamaamkii kadibna way soo dul istaagatay waxayna tidhi war amiin Amiin waxa uu oogu jawabay wooow.

Kaltuumo: maxaa kugu dhacay eeddo?
Amiin: amryihii ayaan jugaysan hayaa
Kaltuumo: waa maxay jugaysi eedo?
Amiin:dhaylaamihii ayaan xafuujisan hayaa
Kaltuumo:eedo maxaad kawdaa
Amiin: calalihii aan watay ayaan dhaqanhaya

Kaltumo: aad ayay oogu qoso shay amiin kadibna tidhi alla eedo anaa kuu dhaqiyo soo baxa meeshaas maryaha laguma dhaqdee kaltuumo maysan cidna usheegin amiin kudhar dhaqashadiisa uu dharak kudhaqday xamaamka wayo waxay kayabanayd in hadhow dhalinta lafaca aha ku kaftamiso dacayadan ay ooga dhigan.

Hadana aan ugudubno qaybta 4aad iyo sheekadii oo wali sii socota.

SHULEKHO: markii ay kawar heshay in uu amiin ka ambabaxay wadanka waxaa lasoo darsay dabaylo walbahaar duufaano fikkir aha waxayna gashay duni murugo jidhkeedii ayaa isbadalay dabeecadeediina way dhuntay muqaalkeediina way modw murogo walbahar waartay cawys iyo dad lakaftankii,fur furnaasho iyo cawysin way isdaayeen.

Waa xilli jiilaal aha qoraxduna way kulushahay waxay sulekho kafulisay lo, ceelka dambar wayne waxayan usii wada dhankaa iyo goro tooro waxay soo xasuusatay dhulkii ay amiin xoolaha ay islamarin jireen waxayna aragtay geedihii ay wada fadhisan jireen ee ay ku kaftami jireen iyada oo manta kaligeed lo,wada waxaana kasoo hoobatay ilmo ay iska xajin wayday,waxayna tidhi iyada oo ku beer laxow sanaysa suugaan BALI CADAYLE IYO BAY LAGAA SOO SAALAAN eraygan marak ay kuluuqaynaysay waxaa ku dul gowriiray jir muruga aha waxayna sii waday suugaantii ay kubeer laxowsanaysay waxayna sii lahayd.

Huuno amiinow xertaadaan laxidhanlahaa:
Waan arkeeynee xertaadaan laxidhan laha:
Walle murugo maaweelo kama bi iso.

Amiin iyo shullekho waxaa kadhaxeeyay jacayl anan laqiyasi Karin bug iyo qalinna anan lagu soo koobi Karin waxa uuna ahaa mid lagu qiyaasi karo in uu kaxoog badnaa jacaylkii laylo iyo qays waxa uuna mid walba kaga yaalay jacalykooda halbowlayasha iyo beerka midkastana waxa uu kaligii ufikiri jiray gees iyaga oonana is lajoogin.

Sulekho way lafa lafowday wayna taqwad guurtay waxana kowsaday bishii 6 aad ee aysan arag amiin indho urooone aysan urunina reexaantiisii udgoonayd indheeheedii way abaarsadeen afkeedee waa uu amakaag yaab aamusay way jcayl boholyowday waxayna kumay racaysa lo,mar dhikil miidhan aha dhirta iyo caleentuna ay is haysato xashaashuqa iyo cayaduna waa waacaraf oo udgaysa balan ballista iyo baaldhiiga,shimbiraha dheelmitaanka aha waa kuwa farax galin haya nafta aadamiga,sulkho waxay saarantahay geed bisiq aha cagaheeduna hoos ayay u soo raaricisay waxayna himmiga galisay amiin oo usoo noqday lana mayracahaya lo,da waxayna soo xasuusatay wajigiisii quruxda badnaa hadalkiisii dabacsanaa iyo kaftankiisii faraxada kureebi jiray markas ayay afka furatay sulekho iyada oo suugaan kucabiraysa dareenkeeda waxayna lahayd.

Haday bixii naftaan kuubali laha
Wayn baxeenee naftaan kuu badali lahaa
Huuna amiinow mar qudha ma illa mari malkada

Sulekho sidi ay iskugu maweelinay suuganta aya waxaa katagatay lo,dii oo iska dheelmatay lakiin sulekho ma,aysa daremin waxana latagtay amaantii amiin waxayna is aragtay iyada oo amin cawareer aha leh.

Kubka lagusocdiyo kalal quruxsanow allow aan ku kadbado
Sida kuushaan kal gacal kurka kugu sitaa
Codka lali cayuun lali kuma cuntee
Qosol huunoy qalbiyo quud mawada sinnee
Hirka doogay indhuhu how dhaheen ma adigaa
Sida dogay indhuhu meel foog kaadawadaan
Macagarkii gu,gooyn ciddu baar goy ninbaa
Alla dhawaaqayga dhiil uso cugoo alla dhaadhami sida dhayda xoolaha ee
Alla go,aaga iyo ga,ayga yaa isku guntoo alla go,ayga yaa isku keen kunanadee
Alla sidii miriri alla magaala kuyal alla midhihii janadow mar illahadaleey
Alla sida cambaluusha aya u cunoo alla cankuun kuhayoon oon calool galineey
Alla amiin yar yaa alla santuuq kuritoo alla salad walba dawada sida uu yahayeey

Sulekho waxay is aragatay iyada oo kujirta riyo waali aha kana xoogbadisay qandhada jacaylka ay amiin uqabto iyada oo dhiir dhiirinaysa ayay gashay gurigoodii walidkeed maysan waydiinin wax su,aal aha wayo way ogayeen in ay hawada kamaqantahay oo marka ladhaho lo,da soo lis waxay abari jirtay xerda dameeraha marka loo dira adhigana waxy u galijirtay lo,da iyad oona war iska haynin waxana marar badan dhacaday iydada oo shah karinsaysa inay kildhigii dabka saraa ay sonkorta kudartay isaga oo daboolan sasna ay sonkor badan kukhasarisay.

Amiin: waxa lageyaya sikuul waxbarsho madama uu uyimaaday in uu wax barto waxa uu noqday wiil aad ufahmo b adan dadaal iyo dabeecad wanagasan ay kudheehantahay hassa ahaate magnad ayaa meel kahaystay oo waxa uu ahaa wax hilmaan badan oo dadku waxay oogu yeedhi jireen waa lagu maqanyahay ama waa lagu shan laysanhayaa iyo errayo kale.

Amiin inta uu joogay xamara waligii hurdo sifiican oogama boganin cuntana kama uuusan dhargin waxa uuna ahaa rundud kufikir,socod ku hadal iyo riyo ku,ooy waxana kudaganaa hirar wal bahaar iyo jacayl hamuumyo qaadhay hilow iyo waxaa kudhacay juuc iyo qandho wayne qolkuu seexan laha waa,uu ku qalla laa qosal macaan ma,maqlo iyo hadaladii uu qajilku kujiraye,

wadanihiisiina qiiqbaa ka kaciyo qaylo dhaan wayne,
qossal afkiisa laga hayo iyo qowlal cadayne,
dadna lama quutoo wuu qanshaysanyahaye,
qarracaan buu kayabanaa in ay qudhu kaduushaye,
qabri kayaab ayu ahaa sidii laylo iyo qayse,
indhahana qumaati wax oogama arkoo way qallafeene

dhafoori hiisuna waxaad moodaa islaan ay iska raaceen curadkii iyo ninkeediiye bishimaha na waxaa kasaraa qolfo waa wayn indhihiisii oo qorraf kujirana waa kabbo dhiig aha waxaa kudhcay cudur magaciisa lagaran waayay waxaana iskugu daramaday 2bo biyood iyo jacaylkii hadhsan waa.

Waxaa kuhadh furtay basaastii kadhalatay aragti la,aantii sullekho waxaa dhaxsin udagtay raffanaan iyo taqwad guur waxana lageyay dhowr isbitaal oo kaladuwan dhamaantoodna waxba kam,aysan hellin xatta waxaa loogeeyay amiin haweenka boranaha iyo rooxaanta qiijiya balse wax quruuma aha way kawaayeen waxayna dadku lahayeen xagee laga asiibay wiilka alla ayaa usheega in ay kamaqantahay sulekho caday cudurka hayana uu yahay jacaylki hadhsan waa .

Waxay goor shegtadu si jahawreersan utilmaamaysay 3:00 pm ama 9 saac oo duhurnimo amiin waxa uu walbahaar duljiifay sariirtiisi oo uu karaahaystay kuseexadkeeda waxa dhanka midig kayaalay radio waxa uuna kadhagaysan hayay redio Ethiopia laantiisa afka somaliga waxa uuna kadhgaysan hayay barnaamijka 7 aadle aha ee hiddaha iyo dhaqanka waxa uuna maqlay ciyaar dhaqamedka loo yaqaano dhaantada taas oo uu aad ujeclaa amiin waxana lasoo dayay dhallin yaro kuluuqaynaysa GEELJIR GEEL KUMAQANAAYO GAABSANAYNIN GARAACYEEY.

Amiin marka uu maqlay erayga dhaantada aha ayaa oogu danbaysay miyyir oo wuuba suuxay waxana loo la cararay isbitaal waxana lagu xidhay dhowr faleembo oo kaladuwan amiin waxa uusaarna sariir kamid aha sariirihii isbitaalka gabdho maryo cad cad kulabisana way dul joogeen waxaa amiin usoo noqaday miyirkii waxa uuna go,aan ku gadhay in uu kulaabtay dhanaan iyo laydh daawo waxa uuna yidhi ALLA DHUURKII DHANAANOW MADHACE WAX KUDHAAMA LAWAAYEEY .

Waxaa soo kor istaagtay ee dadii kaltuumo amiin oo ilmaynhay oo ay afkiisana kaoso burqaranhaya sugaan xiiseed uu ku,amaanahayo danwaa waxayana tidhi kaltuumo danawaa la idinkuwada xabaal danwaa,danwaa,danwa,war danwaa maalagu falay kii kayimaadaba waxa uu dhahaa uun danwa war danwaa soo ma aha meeshii dabaysha badnayd ee dhaxanta miidhan ahayd walle waa yaab huunow ruuxii kayimada dhanaan maxuu udhahaa uun alla dhuurkii dhanaanow madhace wax kudhaama lawayey??.

Danwa waa geed dhuur aha oo aad uda,wayn danwaa waa geed hadhac aha oo hoos qaboow waxanayna dadka caatada aha ee rer dhanan kutaami jireen hadaan danwaa 2 maalmood hooskiisa hadhsado badhi caabadi aya iga soo bixi lahayd danwaa waa geed ay ku hal qabsadaan dadka deegaanku oo wayadii hore gabdhaha ayaaba lagu bixinjiray hoostiisa wana lagu shixi jiray hoostiisa ragga sahanka ahana waa lagu waraysan jiray geedku waxa uu kuyaala laagta qar qarkeed tamuuxadana waa labarkada oo malin kii oodhan waxa laweheshadaa (tixgooga)tixgoogu waa manuuko yar yar oo alla lagahelo meelaha lagaha galaheeda aha iyo gabyaha hoostooda .

Abdirashid abdulahi ahmed (dhanaane)
Email:dhanaane22@hotmail.
qaybta 5 aad jimcaha xigta insha allaah

Opinion articles written by individual contributors do not necessarily represent the opinion of Kilil5.com