Odayaal iyo waxgarad 20 Qof Gaadhaya oo Lagu Xidhxidhay Dhagaxbuur

Submitted by webmaster on Thu, 2012-01-26 21:21

Jigjiga (kilil5)--Wararka nagasoogaadhaya gobolka dhagaxbuur caasimadiisa Dhagaxbuur ayaa
sheegaya in dad gaadhaya 20 qof oo kamida Odayaashii iyo waxgaradkii
degmadaas xabsiga lootaxaabay. Odayaashan oo hada xidhan mudo sadex
cisho ah ayaan ilaa hada lagaranayn sababta looxidh-xidhay. Masuuliyiin
iyo qaar kamida dadka kasoojeeda degmadaas oo aanu waxkawaydiinay
xadhiga odayaashan ayaa noosheegay inaysan ilaa hada u cadayn sababta
lagu xidh-xidhay odayaashan isla markaana aysan xataa war kahaynin
maamulka degmadaas ee odayaasha lagu xidh-xidhay, waxaana lasheegayaa in
odayaashan lagu xidh-xidhay amar kayimid xukuumada deegaanka, waxaana
degmada loogudbiyay liis ay kuqoranyihiin magacyada dadkan
laxidh-xidhay.

Warka ayaa sidookale tibaaxaaya in dhawaan markii uu madaxwaynuhu
socdaalka kumaraayay gobolada Dhagaxbuur, Qoraxay iyo Wardheer ee uu
kusugnaa magaalada dhagaxbuur uu ugu hanjabay inuu xabsiga dhigidoono
qaarkamida Odayaashaas kuwaas oo aykamidyihiin laba oday oo magacooda
naloogu sheegay Makhtal Cabdi Dhiid oo ah madaxa boordhiga
doorashooyinka gobolkaas iyo Budaale oo isna hore u ahaanjiray duqa
magaaladaas. Waxuuna madaxwaynuhu ugu cagajugleeyay odayaashan inuu
gayndoono Jeelka Zuay. Sidookale waxaa dadkan xidh-xidhan kamida
ganacsato aan iyagana lagaranayn sababta looxidh-xidhay.

Waxuu warku intaas kudarayaa in dad kale looxidh-xidhay hees
deegaanka kacaan baxday oo ay wada qaadayaan fanaanada caanka ah Saynab
Labadhagax iyo fanaan katirsan kooxda fanka deegaanka, heestan oo
magaceeduyahay “Badda Jawle een lajoojinkarayn” taas oo uu sameeyay
abwaan kasoojeeda gobolka dhagaxbuur, deegaankana aad looga
dhagaysanjiray isla markaana had iyo jeer lagasaarijiray idaacada FM ta
iyo TV ga deegaanka ayaa madaxwaynuhu uu dib u gocday isla markaana
kashakiyay midhaheeda oo uu uturjuntay in reer dhagaxbuur ay u jeedaan
Bada Jawle = ONLF taas oo ah mid aan lajoojinkarayn, su’aalo badana uu
kawaydiiyay intii uu kusugnaa magaalada dhagaxbuur. Waxaana lasheegayaa
in heestaasi ay Anti kanoqotay gobolkaas iyo deegaanka isla markaana
cida lagu maqlo ee magaaladaas kusugan xabsiga ladhigaayo.

War aan laxaqiijinin ayaa isna sheegaya in xadhiga odayaashani u salka
kuhayo cabashooyin ay kasoojeediyeen qorshaha Master Planka degmadaas oo
ay xukuumadu sheegtay inaysan wax lacag ah u celinayn cida qorshahani uu
guryo iyo hanta kadumiyo. Waxaa sidookale lasheegayaa in odayaashani ay
kacawdeen biyaha magaaladu cabto oo ah qaar qadhaadh isla markaana
ciyaalo badani kuxanuunsadeen xukuumaduna ay kadhabar adaygtay badalida
ceelashaas biyaha qadhaadh.

Shamso Cumar
Jigjiga,kilil5 Online

Waa buufis iyo waalli!

Baryahanba waxaa soo ifbaxaysay in ina illey uu ku dhacay buufis iyo shaki wuxuu bilaabay inuu iska fogeeyo ragii ay dadka isugu dhawaayeen qaarna uu xabsiga u taxaabo sida ina bade hada wuxuu ka shakiyay heesii asaga loogu durbaan tumayay waxaa iswaydiin mudan hadii heesta bad jawle arintaas loola jeedo heesta kale ee la yiraahdo (dadkayga ismaan lahyn yaa loola jeedaa? Ina illey mise ina cumar cismaan?)