GUUL, MAAL IYO JACAYL IYAMAAD DOORAN LAHAYD ??
Islaan baa gurigeedii kasoo baxday, waxayna aragtay sadex oday oo
guriga hortiisa fadhiya oo haraad kamuuqdo, weyna yaabtay waxayna
kutiri; waxaan dareemayaa inaad safar tihiin, baahina idin hayso ee soo
gala guriga siaad noola cuntaan waxa aan haysano.
Odayaashiina waxay weydiiyeen ninkaagii majoogaa? Waxayna ku
jawaabtay maya, banaankuu jiraa. Waxayna dheheen masoo gali karo
ninkaagii haduu maqan yahay!
Galabtii markuu yimidna way u sheegtay qisadii odayaasha, wuxuuna
kuyiri usheeg inaan imid, soonana gali guriga, iyagiina waxay
kujawaabeen, mawada gali karee, mid naga mid ah adiga iyo ninkaagu
doorta. Midkamid ah ayaana soo baxay oo yiri ani waxaa lay dhahaa
GUUL, saaxiibkayna waxaa layiraahdaa DHAQAALE/ Maal, kan sadexaadna
waxaa layiraahdaa JACAYl. Islaantiina waxay kulaabatay ninkeedii wayna u
sheegtay qisadii odayaasha, wuxuuna yiri haduu warkaasi run yahay,
uyeer Maal waxaan rabnaa inuu faqriga naga saaro, gurigeenana
hodanimo kabuuxiyo.
Iyadiina waxay tiri mawaxaad rabtaa INAAD DHIB LA´AAN DHAQAALE
HESHO, aan uyeerano Guusha, IYADAA HODANIMO NAGAARSII-NAYSEE.
Gabartoodii oo dooda dhgaysa-naysayna waxay tiri; SAW MAHABOONA
INAAD JACAYL UYEERTAAN?
Waxayna qaateen taladii gabarta, waxayna weceen/ kuna marti qaadeen
inuu soo galo guriga JACAYL!.
Waxaa soo tarjumay; Axmad Cabdulahi, Germany, axmad72@hotmail.com
Jacayl markuu soo istaagayna labadii kalaa (Guul iyo Dhaqaale) soo daba
galeen! Islaantiina waxay tiri, waxaad iga codsateen inaan mid kaliya
doorto, hadana waad soo wada kacdeen, ee maxaa jira?
Waxayna ku jawaabeen labadii kalana, hadaad dooran lahayd Guul ama
Hodannimo, kaligii baa ku raaci lahaa, lakiin meelkastoo jacayl aado waxaa
raaca Guul iyo Nolol wanaagsan.
Maxayeelay jacaylka ayaa dhaliya guusha, maalkana guushaa keenta, oo
qiima badan male Maal aan guuli ka horaynin. Sidoo kale wax qiima ah
maleh guul aad ka dhalisay shaqo aadan jeclaanin, kusee-xanin kusoo kicin
fikirkeeda.
Hadaba Guul iyo horumarkastaa waxay kabilowdaan Jacayl iyo hilow ku
dhaca qofka, kuna dhaliya fikir badan, dadaal xoog badan, karti dheeraad
ah, wax qabad habaysan, intaa kadib ayaana lagaraa Guul, Wanaag,
hodanimo, farxad iyo raaxo qiima gal ah. Qofkast oo sheegta inuu gaaray
guul uuna horay u caashiqin ugu fikirin, wuxuu kujiraa dhalanteed ama
riyo.
Hadaan nahay umad somaliyeedna waxaan wada ognahay inaan raadino
guul aan dusha kaga dhacno oon kuhelo qaraabanimo, qixitaan, shaxaad,
eexasho, xatooyo, qabiil iwm. Waana mida nadhigtay halka aan maanta
naalo, oo waxaa naga dhumay Mapkii aan kugaari lahayn guusha iyo
wanaaga aan wada raadinayno.
Waxaa tarjumay
Axmad Cabdulahi… Germany
Axmad72@hotmail.com



IslamOnline






















salaan
aadbaad ugumahadsantahay ninka sheekdan soo tarjumay ama soo bandhigay
walal hakadaalin sheekoyinka dhabta ah ama dhabta iyo xaqiiqda maanta taala
aadbaan ugumahadsantihiin asc