Gobay: Dardaaranka Dhalinyarada
Dr. Abdurahman A. Baadiyow
Dardaaranka Dhalinyarada
1. Nin dadalla baan ahay
2 . Danyartana udoodoo
3 . Dalkiisana udoor bida
4 . Da’da sookoreysana
5 . Udardaarma kheyrkiyo
6 . Iyo iney door ka qaatan
7 . Dalkood iyo dadkooda iyo
8 . Iney dawlad dhaliyaan
9 . Lagu diirsan doonoo
1 0 . Danta guud daweysoo
1 1 . Dar xumada daryeeshoo
1 2 . Lagu wada dawooboo
1 3 . Karaamada dadkeynnana
1 4 . Kor uqaadda daaiman
……………………………………. .
1 5 . Waxaantaas kusii daray
1 6 . Da’da soo koreysana
1 7 . Aan kula dardaarmaa
1 8 . Udulqaata diifada
1 9 . Digdigleynta joojiya
2 0 . Dibad jooga joojiya
2 1 . Dan la’aanta joojiya
2 2 . Door la’aanta joojiya
2 3 . Dawlad duminta joojiya
2 4 . Duugsiyada udareeroo
2 5 . Darajooyin sare hela
2 6 . Daraasada ha joojina
2 7 . Ilaa aad doktoornimo
2 8 . Darajada ka gaartaan
…………………………………………….
2 9 . Intaas waxaan kusii daray
3 0 . Da’da soo koreysana
3 1 . Aan kula dardaarmaa
3 2 . Kala daadsanaan iyo
3 3 . Kala dididda joojiya
3 4 . Isku duubanaantiyo
3 5 . Waalnimada door bida
3 6 . Dimoqradiyaadkiyo
3 7 . Dood wadaaga doortoo
3 8 . Dambiyada yareeyoo
3 9 . Kali taliska diidoo
4 0 . Weligiin ha daalinna
Dr. Abdurahman A. Baadiyow



IslamOnline






















Ku: H. Karama
Saaaxiib maad gobay ka dhigtid inta aad ku dartay gobayga Dr. Baadiyoow. oo aad halkan kusoo daabacdid si aan uga wada faaiidaysanno?
Yuusuf
dardaaran wanaagsan
dr. Abdirahman thx
waa dardaaran wanaagsan
waxaaban dhihi lahaa hadii laxan lasaaro hees wadaniya oo wanaagsan ayay noqon lahayd,
ana waxan kudaray
1.midkaan diir naxayne
Qabiilka un dugsanaye
A.Musuqmaasuq dorbiday
B.ee danihii dadweynaha
C.tiisuun kadoortay
D.duli weeye dabagala Oo dadka yunan aafayn.