Madax Xafiisyadii Labada Xafiis ee Cadaaladda iyo Bulshada DDS oo Xilkii Laga Qaaday

Submitted by webmaster on Wed, 2012-01-25 16:35
Jan 25 2012

Jigjiga (Kilil5)--Madaxwayne kuxigeenka DDS ahna madaxa Xafiiska Maamulka iyo kusiisimaha
madaxwaynaha deegaanka mudane C/fataax Maxamuud Xasan ayaa xilka qaadis
kusameeyay laba wasiir oo kala ahaa madax-xafiiseedkii Cadaaladda
Cabdullaahi iyo madixii Xafiiska Arimaha Bulshada Cabdiraxmaan Dheere.

Xilkaqaadista labadan masuul ayaa lasheegayaa inay dabasocoto qiimayntii
waxqabadkii lixdii bilood ee lasoodhaafay oo waxqabadkoodu aad uliitay
iyo sidookale iyagoo kamaqnaa maalinkii udambaysay shirkii qiimayntaa
taas oo madaxwaynuhu uu amar kusiiyay labada madaxwayne kuxigeen inay
talaabooyin kaqaataan masuuliyiinta aan sooxaadirin shirka qiimaynta
maalinkaas heer deegaan iyo degmobada. Inkastoo warqada xilkaqaadista
masuuliyiintan uu qoray madaxwayne kuxigeenku madaxwaynuhuna uu awood
buuxda u siiyay in ay talaabooyin kaqaadaan cidii gudanwayda
waajibaadkooda isla markaana maalinkaas shirka kamaqnayd hadana waxaa
xaqiiqo ah in eriga masuuliyiintani ay tahay mid uu go’aankeeda leeyahay
madaxwaynaha deegaanku isla markaana kuxigeenka loo akhriyay inuu qoro
waraaqahooda.

Sidookale madaxwayne kuxigeenka ayaa digniino culus oo kamadambays ah
siiyay labada wasiir ee xafiisyada Caafimaadka mudane Xabiib Yuusuf oo
hore u ahaa madixii xafiiska dakhliga iyo wasiirka xafiiska Kobcinta iyo
Maamulka Shaqaalaha mudane Maxamed Faatax (horror) kuwaas oo qiimayntii
lixdii bilood aan keenin natiijooyin fiican. Sida intii akhrisatay
faaladayadii hore ee xafiiska Kobcinta awooda aanu kusoo daabacnay
madixa xafiiskaasi ay bixinwayday saxiibtinimadii iyo cilaaqaadkii lagu
tuhunsanaa inuu lalahaa madaxwaynaha, isla markaana lagu xukmiyay
waxqabadkiisii ayaa sidookale madaxii hore ee xafiiska dakhliga mudane
Xabiib Yuusuf oo isna lagu tilmaamijiray inuu ahaa garabka midig iyo
dadka tirada yare ee madaxwaynahu wax kadhagaysto, islamarkaana loo
adeegsanjiray dhaleecaynta dadka ladamacsanyahay in xilkaqaadista lagu
sameeyo ayaa isagana lasiiyay digniin kama dambays ah, arinkan ayaad
moodaa inuu kutusaayo isbadalka dhanka siyaasada deegaanka, waxaanad
moodaa inuu madaxwaynuhu muujiyo inuu banaanka iska marinaayo dadkii
lagutuhunsanaa inay ku ag xeeranyihiin, isla markaana ahaa xulafadiisa.

Waxaa sidookale lafilayaa in maalmahan ay soobaxaan go’aamadii qiimaynta
masuuliyiinta heer degmo kuwaas oo lagayaabo in qaarkamida xilkaqaadis
lagu sameeyo sidookalena qaar digniino lasiiyo.

Cabdi Shukri (Xarago)
Jigjiga, Kilil5 Online