Xafiiska Kobcinta Awoodda ee DDS oo Tababar Uqabtay Maamullada Gobollada iyo Degmooyinka Deegaanka

Submitted by webmaster on Mon, 2012-01-23 13:31
Jan 23 2012

Jigjiga (Kilil5)--Waxaa shalay iyo maanta Aqalka shirarka ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan
kasocday tababar uu soo qaban-qaabiyay xafiiska kobcinta awooda oo
kusaabsan maamulka suuban (good governance). Tababarkan ayaa loohayaa
Maamulada Gobolada iyo degmooyinka deegaanka sida Gudoomiyayaasha
gobolada iyo degmooyinka iyo xafiisyada horumarinta ee Biyaha, Beeraha,
Caafimaadka iyo Waxbarashada, waxaana lagu siinayaa tababar laxidhiidha
maamulka suuban iyo sidii ay u hirgalinlahaayeen qorshaha shanta sano.
Xafiiska kobcinta awooda iyo Maamulka Shaqaalaha oo dhawaan la iskudaray
ayaa shirkii qiimaynta ee lixdii bilood ee lasoodhaafay ay degmooyinka
deegaanku ku eedeeyeen inuusan waxba kaqaban shaqaalayntii degmooyinka
sidookalena lagu eedeeyay in aysan jirin wax horumar iyo isbadal ah oo
uu kutalaabsaday xafiiskani.

Madaxa xafiiskan mudane Maxamed Faatax (horer) ayaa lagu tirinjiray inuu
kamid ahaa madaxda deegaanka ee ay aadka isugu dhawaayeen madaxwaynaha
isla markaana dad badani filayeen in lagu amaanidoono waxqabad xumada
xafiiskiisa sidii horeba udhicijirtay in masuulkasta oo ay xidhiidh adag
leeyihiin madaxwaynaha uu amaan iyo kaalin uusan mutaysan kugalijiray
wajigga madaxwayaha, balse kaalinta u hoosaysa ee uugalay xafiiskan,
dhaliilihii loosoojeediyay, iyo habsamisocodkii qiimayntii lasoodhaafay
ee ay kudheehnayd cad-cadaanta (transparency) isla markaana dhaliisha
xafiiskasta uuleeyahay farta lagasaaraayay sidookalena waxqabadkooda
fiican iyo guulaha ay gaadhaana xafiisyada lagu amaanaayay isla
markaana lagu shilimaadaayay ayaa kutusinaysa isbadalka siyaasadeed ee
ay wakhti xaadirkan kutalaabsanayso xukuumada deegaanku.

Xafiiska Kobcinta ayaa ah xafiis aad u muhiim ah isla markaana doorwayn
kaciyaarikara horumarka deegaanka haday noqoto dhanka kor u qaadida
tayada iyo kobcinta aqoonta shaqaalaha deegaanka iyo guud ahaanba
bulshada,sidookalena wuxuu door laxaadleh kaqaadan karaa horumarka
dhanka tiknoologiyada iyo qalabaynta xafiisyada. Wuxuu xafiiskani
maamulaa lacag malaayiin ah oo loogu talogalay horumarinta xafiisyada
deegaanka sida qalabaynta xafiisyada, tababarada shaqaalaha, samaynta
nidaamyada kaladuwan ee xafiisyada sida database yada, website-yada iwm,
waxaana intabadan xafiiskan lagu eedeeyaa inuu gacan bidixeeyo lacagahan
isla markaana sikhaldan loomaareeyo kuwaas oo sidii larabay aan looga
faa’iidaynin umada. Xafiiskan oo horeba ay tiisu u cuslaysay ayaa hadana
dhawaan lagu biiriyay xafiis udhigmaayay baaxad ahaan run ahaantiina
kahawlbadnaa waa xafiiska maamulka shaqaalaha deegaanka oo isna
waligiiba ahaa xafiiska ugu liita deegaanka had iyo jeerna ugu
musuqabadnaa kaas oo masuulkasta oo soomaraa uu shilmo ka uruursanjiray
dadka shacabka, waana xafiis hore u awoodiwaayay inuu maamulo shaqaalaha
deegaanka. Xafiiskan oo ahaa kan uxilsaaran shaqaalaynta shaqaalaha
deegaanka ayaan had iyo jeer iswaafajin jirin shaqada iyo shaqaalaha
iyagoo dadka laga qaato lacagaha iyo kuwa ay wajiga karabaan kuqorijiray
xafiisyo iyo jagooyin fiican, sidookalena cida ay dano gaara kaleeyihiin
kudhaadhicinjiray tuulooyinka fogfog.

Xafiiskan ayaa hadii aad u doonato inaad ka hesho xogta shaqaalaha
deegaanka, tusaale ahaan hadii aad rabtid inaad ogaato tirada shaqaalaha
kuqoran gobolka Jigjiga aysan marna suurogal ahayn inaad ogaato ama ay
kusiiyaan maadaama aysan lahayn wax nidaam ah oo ay kukantaroolaan.
Xafiiskan ayaan sidookale kawar ahayn amaba aan kormeer kusamaynin
shaqaalaha degmooyinka kuwa kusugan goobohoodii shaqo, kuwa shaqooyinkii
katagay iyo kuwa geeriyooday, waxaana intabadan dhacda in mushaaraadka
shaqaalaha katagay shaqadii uu waligiiba iskasocdo maadaama aysan jirin
cid kadaba imanaysa. Hadaba labadan xafiis ee hore tabcaanka u ahaa ee
hadana la isdulsaaray ayaan wali waxnatiijo ah oo horumar ah laga arag
tan iyo intii la iskudaray, wuxuuna kamid noqday xafiisyada ugu tayada
iyo shaqada xun. Sidookale wuxuu dhibkajiraa labadan xafiis oo aan la
isugu keenin hal goob walina kukalayaala laba meelood oo kaladuwan
madax-xafiiseedkuna uu udhexeeyo labadan xafiis.

Cabdi Shukri (Xarago)

Jigjiga, Kilil5 Online