Shirkii Balaadhnaa ee Qiimaynta Xafiisyada DDS oo Lasoo Gabogabeeyay
Jigjiga (Kilil5)--Waxaa magaalada Jigjiga ee caasimada deegaanka lagu soogaba-gabeeyay shirkii qimaynta ahaa ee maalmahanba uga socday xafiisyada heer deegaan, gobol iyo degmo kaas oo lagu dhagaysanaayay waxqabadkoodii lixdii bilood ee lasoodhaafay sidookalena lagu qiimaynaayay degmooyin dhanka nabadgalyada. Madaxwaynaha deegaanka ayaan fursad u helin inuu kaqaybgalo xidhitaanka shirkan oo lafilaayay inuu isagu soo afmeero isagoo maalinkii shalay ahaa u ambo baxay dhankaas iyo magaalada Addis Ababa oo uu kaqaybgalidoono shir balaadhan oo kadhacaaya Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha oo looga wadahadlaayo arimaha dib u dajinta. Hase'ahaatee waxaa shirkii sooxidhay labada madaxwayne kuxigeen ee daadihinaayay shirkan, madaxwaynuhuna wuxuu kulasoo xidhiidhay khadka taleefanka oo lasaaray sameecadaha codka dheereeya, si ay uwada dhagaystaan kasooqabgalayaasha shirkani, halkaas oo kalmado dardaaran ah iyo dhiirigalinba ugu soojeediyay.
Shirkan ayaa warbixintoodii ladhagaystay dhamaan degmooyinka, marka laga reebo gobolada Fiiq iyo Qoraxay. Degmada Awbare ee Gobolka Jigjiga ayaa noqotay degmada ugu waxqabadka fiicnayd degmooyinka deegaanka, waxaana aad loogu amaanay iyagoo lacagihii hawlfulinta degmadaas u badashay mashaariic, waxayna noqotay degmada tusaalaha u noqonaysa deegaanka. Degmada Jigjiga ee isla gobolkan Jigjiga ayaa iyadu noqotay degmada ugu liidata deegaanka ee dhanka waxqabadka iyo horumarka marka laga eego lixdii bilood ee lasoodhaafay. Degmada Baarey ee Gobolka Afdheer oo kamid noqotay kuwa liita, ayaa loosoojeediyay dhaleecooyin kusaabsanaa in maamulka degmadaasi ay isku qabsadeen lacagihii mashaariicda halka Degmada Awbare ee gobolkan jigjiga iska daa mashaariicdiiye ay hawlfulintoodii u badasheen mashaariic. Degmada Beer Caano ee Gobolka Godey ayaa lasheegay iyaduna kaalinta koowaad ubaxday degmooyinkii cusbaa ee dhawaan la ansixiyay, waxayna kudayasho fiican u tahay degmooyinka kale ee cusub, halka degmada iimay-galbeed ee gobolka Afdheer ay gashay kaalinta koowaad ee 18-ka degmo ee laga hirgalinaayo dib-u-dajinta dadka reer guuraaga ah ee laga dhigaayo xoolo dhaqato beeralayda waxayna noqotay kudayasho fiican (best practice).
Intii shirkan qiimayntu socday waxaa cabashooyinkii ay gobolada iyo degmooyinku soo
jeediyeen ka mid ahaa: in deegaanka ay kajiraan raashinyaraan maadaama la adkeeyay amaba guud ahaanba lajoojiyay kootarabaankii ay nolosha dadka danyarta ah kutiirsanayd. Waxaana cabashooyin lagasoo gudbiyay shaqsiyaadkii ay xukuumadu siisay liisamada LC-ga inay soodajiyaan raashinka iyadoo degmo kasta 3 qof lasiyay, kuwaas oo shatiyadii dawladu usiisay inay kudaboolaan baahida dhanka raashinka ah u isticmaalay dano gaar ah raashinkii ay soodajinayeena u iibgeeya itoobiyada kore. Madaxwaynaha ayaa markii uu kasoo qaybgalayaasha kula dardaarmaayay khadka taleefanka u sheegay in talaabooyin kaqaadaan cid kasta oo kamida dadkan ee sida sharciga kabaxsan u isticmaashay raashinka, qasabna kaga dhigaan inay raashinka geeyaan goobaha loogu talogalay ee ay sharciyada kuqaateen, wuxuuna ku amray in tuulo tuulo iyo qabalee qabalee u gaadhsiiyaan raashinkan ay soo dajinayaan.
Sidookale wuxuu madaxwaynhu sheegay in saliida iyo sonkorta laga keeno Itoobiyada kore lagaadhsiiyo dhamaan deegaanka qabalee qabalee. Ganacsatadii qaadatay shatiyada LC-ga ee gobolka Shiniile ayaa lagu amaanay inay u fuliyeen soodajintii iyo gaadhsiintii raashinka sidii ay dawlada heshiiska kulagaleen, wuxuuna madaxwaynhu gobolkan shiniile kacodsaday inay kacaawiyaan gobolada kale dariiqooyinkii ay ku kantarooleen isla markaana ay ku xaqiijiyeen in umada kunool gobolkooda sidii loogu talogalay loogaadhsiiyay raashinkii loosoo dajiyay, Gobolka Shiniile ayaa lasheegay inuu tusaale wanaagsan u noqday gobolada kale ee raashinka LC-ga sidii loogu talogalay looga dhaqangaliyay.
Cabdi Shukri (Xarago)
Jigjiga, Kilil5 Online



IslamOnline






















madaxwaynaw xaal qado
Shabakada caalamiga iga hooya salan kadib war ninkan aad madax waynaha ugo yeedhaysan ma wax kale oo aad ugo yeedhan baad waydeen walaahi siduu udhaqmo cabdi iley inaan loga dhaqmijirin dawlad deegan laba boqol o sano qabiile xun weeeye reeeri hii buu dabka dhaxshiday wada daganaa e walaahaha ahaa kaaga sii darane hada famliyadii buu bilaabay inuu isku diro wada noolaa mida klae waxaan umalaynayaa umataqaaanan sidaan u aqaaano waxdiin ah u haystaana malaha khamrada ayaa cabaa ninkan taanidana wuu ku kaajaa