Shirkii Balaadhnaa ee Qiimaynta oo Maalintii Labaad Galay

Submitted by webmaster on Thu, 2012-01-19 08:47

Jigjiga (Kilil5)--Qiimayntii Xafiisyada heer deegaan, gobol iyo degmo ayaa maanta gashay maalinkii labaad. Qiimaynta ayaa maanta ay hogayeen labada madaxwayne kuxigeen ee Aadan Faarax iyo Cabdifataax Maxamuud, waxaana warbixintoodii ladhagaystay xafiisyada Biyaha, Beeraha iyo Caafimaadka, kuwaas oo kadibna su’aalo badan ay waydiiyeen kasoo qaybgalayaashii shirku gaar ahaan masuuliyiintii iyo shaqaalihii kasocday xafiisyadooda heer degmo. Xafiiska Beeraha ee DDS ee heer deegaan ayaa loosoojeediyay dhaleecayn badan, kaas oo lagu tilmaamay inuu waxqabadkiisu aad uliito, halka Xafiiska Caafimaadka iyo Biyaha lagu amaanay waxqabadkooda shaqo ee ay degmooyinka kafuliyeen.

Waxaa sidookale caawa halkeedii kasiisocondoonta qiimayntii shaqsi-shaqsiga ahayd ee shaqsi kasta uu iskufashilinaayay, haday noqoto dhanka shaqada, musuqa iyo nabadiidnimada, waxaana lafilayaa gunta iyo gaba-gabada shirkan qiimaynta in lagasoosaari doono go’aamo, talaabooyina lagaqaadi doono qof kasta oo ay kucadaato arimo musuqa, shaqo xumo iyo arimaha laxidhiidha nabadgalyada. Sidii aanu horeba usheegnay qiimayntan ayaa ah mid kaduwan kuwii hore taas oo ay kaqaybgalayaan dhamaan xafiisyada heer gobol iyo degmo si ay udhagaystaan warbiximaha xafiisyada kasareeya ee heer deegaan, kuwaas oo intaban buun-buuniya waxqabad kooda ay kafuliyaan degmooyinka balse joogitaanka iyo kaqaybgalka xafiisyada heer degmo ee shirkan ayaa qasab kadhigaaya in xafiisyada heer deegaan ay soo gudbiyaan warbixinta iyo waxqabad kooda dhabta ah.

Cabdi Shukri (Xarago)

Jigjiga, Kilil5 Online

Goormaa laga waynaan eragay

Goormaa laga waynaan eragay "isfashili" ethiopia mise waa wax ku qoran xeerkeeda??