GUUL, MAAL IYO JACAYL IYAMAAD DOORAN LAHAYD?

Submitted by webmaster on Wed, 2012-01-18 09:15
Jan 18 2012
Axmad Cabdullaahi -

Islaan baa gurigeedii kasoo baxday, waxayna aragtay sadex oday oo guriga hortiisa fadhiya oo haraad kamuuqdo, weyna yaabtay waxayna kutiri; waxaan dareemayaa inaad safar tihiin, baahina idin hayso ee soo gala guriga siaad noola cuntaan waxa aan haysano. Odayaashiina waxay weydiiyeen ninkaagii majoogaa? Waxayna ku jawaabtay maya, banaankuu jiraa. Waxayna dheheen masoo gali karo ninkaagii haduu maqan yahay!

Galabtii markuu yimidna way u sheegtay qisadii odayaasha, wuxuuna kuyiri usheeg inaan imid, soonana gali guriga, iyagiina waxay kujawaabeen, mawada gali karee, mid naga mid ah adiga iyo ninkaagu doorta. Midkamid ah ayaana soo baxay oo yiri ani waxaa lay dhahaa GUUL, saaxiibkayna waxaa layiraahdaa DHAQAALE/ Maal, kan sadexaadna waxaa layiraahdaa JACAYl.

Islaantiina waxay kulaabatay ninkeedii wayna u sheegtay qisadii odayaasha, wuxuuna yiri haduu warkaasi run yahay, uyeer Maal waxaan rabnaa inuu faqriga naga saaro, gurigeenana hodanimo kabuuxiyo. Iyadiina waxay tiri mawaxaad rabtaa INAAD DHIB LA´AAN DHAQAALE HESHO, aan uyeerano Guusha, IYADAA HODANIMO NAGAARSII-NAYSEE.

Gabartoodii oo dooda dhgaysa-naysayna waxay tiri; SAW MAHABOONA INAAD JACAYL UYEERTAAN? Waxayna qaateen taladii gabarta, waxayna weceen/kuna marti qaadeen inuu soo galo guriga JACAYL!. Jacayl markuu soo istaagayna labadii kalaa (Guul iyo Dhaqaale) soo daba galeen! Islaantiina waxay tiri, waxaad iga codsateen inaan mid kaliya doorto, hadana waad soo wada kacdeen, ee maxaa jira? Waxayna ku jawaabeen labadii kalana, hadaad dooran lahayd Guul ama Hodannimo, kaligii baa ku raaci lahaa, lakiin meelkastoo jacayl aado waxaa raaca Guul iyo Nolol wanaagsan. Maxayeelay jacaylka ayaa dhaliya guusha, maalkana guushaa keenta, oo qiima badan male Maal aan guuli ka horaynin. Sidoo kale wax qiima ah maleh guul aad ka dhalisay shaqo aadan jeclaanin, kusee-xanin kusoo kicin fikirkeeda.

Hadaba Guul iyo horumarkastaa waxay kabilowdaan Jacayl iyo hilow ku dhaca qofka, kuna dhaliya fikir badan, dadaal xoog badan, karti dheeraad ah, wax qabad habaysan, intaa kadib ayaana lagaraa Guul, Wanaag, hodanimo, farxad iyo raaxo qiima gal ah. Qofkast oo sheegta inuu gaaray guul uuna horay u caashiqin ugu fikirin, wuxuu kujiraa dhalanteed ama riyo. Hadaan nahay umad somaliyeedna waxaan wada ognahay inaan raadino guul aan dusha kaga dhacno oon kuhelo qaraabanimo, qixitaan, shaxaad, eexasho, xatooyo, qabiil iwm. Waana mida nadhigtay halka aan maanta naalo, oo waxaa naga dhumay Mapkii aan kugaari lahayn guusha iyo wanaaga aan wada raadinayno.

Waxaa tarjumay
Axmad Cabdulahi....
Germany
Axmad72@hotmail.com

Opinion articles written by individual contributors do not necessarily represent the opinion of Kilil5.com