Indho-Cadde: “Aniga isbaaro iima taalo wadada Afgooye, laakiin waxaa ii taala bar koontarool sharci ah, xaq ayaana u leeyahay
Yuusuf Maxamed Siyaad (Indho-cadde), gudoomiyeha maamulka Shabeelaha hoose ayaa ka Hadley wada hadal ay yeeshaan isaga iyo Cabdi Qeybdiid oo ka mid ah xubnaha ku jira isbahaysiga la dagaalanka argagixisada.
“aniga wax kasta oo diinta ay qabto waan ogolahay, laakiin ma ogoli waxa ay diinta ka soo horjeedo, nimankan ku jira isbahaysiga shartana waxa ay wadaan waa wax diin aysan ogoleyn, marka xiriir lama yeelan karo†ayuu yiri Indho-cadde.
“Aniga isbaaro iima taalo wadada Afgooye, laakiin waxaa ii taala bar koontarool sharci ah, xaq ayaana u leeyahay in aan xitaa ku baro waxa soo galaayo, waayo waxaan ahayn gudoomiyeha gobolka Shabeelaha hoose†ayuu yiri Indho-cadde.
“aniga kuma jirin dagaalkii Saxafi, laakiin waxaan ka war qabaa maxkamadaha, mana heystaan maxkamadaha Hoteelka ee waxaa heysta dadkii lahaa oo xumaanta lagu hayo ka dhiidhiyay†ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Mohamed Ali Madka
Muqdisho-Somalia
mogmedia@globalsom.com



IslamOnline





















