Waxqabadka iyo Dhaliilaha Xafiiska Kahortaga iyo Udiyaar Garawga Masiibooyinka--Faallo

Submitted by webmaster on Sun, 2011-12-04 21:50
Dec 4 2011

5 December 2011

Jigjiga (kilil5)--Waxaan qormadeenan maanta kufalanqayn doonaa shaqooyinka iyo waajibaadka xafiiska Kahortaga iyo udiyaar garawga masiibooyinka oo marka lasoogaabiyo looyaqaan DPPB, tayada shaqaalaha iyo heerka musuq. Xafiiskan ayaa sida magaciisa kamuuqata waxaa kamida waajibaadkooda shaqo kahortaga iyo udiyaar garawga masiibooyinka, xidhiidhinta hay'adaha caalamiga ah iyo kuwa wadaniga ah iyo xukuumada deegaanka, waa xafiiska bixiya liisamada ogolaashaha inay haayaduhu kadhaq-dhaqaaqaan deegaanka gudihiisa, waana xafiiska ay xukuumada deegaanku uwakiilatay iskudubaridka gargaarka iyo mucaawinooyinka aybixiyaan deeq bixiyayaasha loona soomariyo hay'adaha caalamiga ah, kuwa wadaniga ah iyo dawlada dhexeba.

Sida lawada ogsoonyahay waxaa had iyo jeer deegaanka kadhaca masiibooyin ay sababaan abaaraha soo noqnoqda ee had iyo jeer deegaanka kuhabsada, xafiiskanina waa xafiiska uqaabilsan deegaanka udiyaar garawga masiibooyinkan, waxaa had iyo jeer dhacda in marka ay abaaruhu saameeyaan bulshada ee ay xaaladu khatar gaadho dhimashada dadka iyo xooluhuna ay bilaabmaan in la isku carcararo oo la iswaydiiyo xagee wax looraadiyaa, waxaana intabadan adkaata in gargaar lalasoogaadho dadka tabaalaysan, maadaama aysan jirin wax hore loogu siidiyaariyay kahortaga masiibooyinka.

Xafiiskan ayaad moodaa in madaxdiisa iyo shaqaalaha kashaqeeyaba aysan fahansanayn waajibaadkooda shaqo, waxaana intabadan lagu eedeeyaa inaysan la imanin qorshayaal waxku ool ah oo cadcad sidii umadan ay rigaysteen abaaruhu hore loogu siidiyaarinlahaa kahortagooda. Sida lawada xasuusanyahay abaartii udambaysay ee deegaanka kadhacday xukuumada deegaanka xataa waxaa ku adkaatay inay helaan booyado kufilan oo umada biyo lagu gaadhsiiyo taas oo markii dambe qasabtay in la adeegsado booyadaha dadka shacabka ahi ay leeyihiin. Xafiiskan oo ahaa xafiiskii maamulaayay biyo dhaanka iyo lacagihii xukuumada deegaanku ay uga goysay kaydkii deegaanka(Contingency Fund) ayaa wakhti dheer ay dadkii shacabka ahaa ka calaacalayeen qaarkoodna ay markii dambe kasamreen lacagihii biyo dhaanka ee ay booyadahooda looga kireeyay, taas oo markii dambe sababtay in lakaladiro shaqaalihii kuhawlanaa shaqadan oo lagu eedeeyay musuq iyo inay lunsadeen lacagihii abaaraha loogu talogalay biyo dhaanka.

Wasiirka xafiiskan Mudane Guuleed Axmed oo ah wiil aad u dayar, ahna qunyar socod ayaa intabadan lagu eedeyaa inuusan lahayn kartixoogan iyo go’aan qaadasho fiican, inkastoo arimaha musuqa lasheego inuusan weelwayn darsan hadana wuxuu kamidyahay madaxda deegaanka. Go’aan
qaadasho la’aanta iyo kartida darada ayaa intabadan keenta in shaqaalaha kahooseeyaa ay ka hoosbaxaan mararka qaarkoodna ay qaataan go’aamo aysan ogayn masuuliyiinta kasaraysa kuwaas oo lunsada hantida dawlada. Sidookale shaqaalaha xafiiskan gaar ahaan kuwa waaxaha digniinta hore (early warning) iyo xidhiidhka haayadaha ayaa iyaguna aan lahayn khibrad wanaagsan oo ay dabagal iyo laxisaabtan kusameeyaan haayadaha gaar ahaan kuwa caalamiga ah oo iyo khabiiro ku ah lunsashada fanka ay deeq bixiyayaashu soomariyaan, kuwaas oo hadii aysan helin khubaro afka gacanta kagalisa sida ay rabaan uleexiya heshiisyada ay lagalaan dawlada iyo deeq bixiyayaasha. Sidookale majiraan laxisaabtan toos ah oo xafiiskani uu kula xisaabtamo hay'adahan.

Waxaa sidookale ay cabashooyin kajiraan bixinta liisamada dhaqdhaqaaqaha hay'adaha kuwaas oo intaban uusan xafiisku qiimaynin awooda (capacity) NGO yada ay siinayaan liisanka, waxaana marar badan dhacda in hay'ad uu wato hal shaqsi, shaqaale kalena aan lahayn oo lasiiyo liisamo (laysan), kuwaas oo hadii ay helaan fan aan awoodin inay fuliyaan, taasina waxay lamitahay liisamadii qandaraaslayaasha ee marka ay qaataan qandaraaska suuqa kasoo uruuriya dad ay ku shaqeeyaan. Shuruudaha haayadaha loogabaahanyahay ayaa ah Xafiis iyo cudud shaqaale oo fulinkara shaqooyinka loo igmado ama idmado.

Waxaan rabaa inaan qormadan kusoo gunaanado miyaysan suurogal ahayn in xafiiskan iyo xukuumada deegaankuba ay diyaariyaan amaba kutalogalaan lacago wax lagagaqabto xiliga ay abaaruhu soofood saaraan bulshada si looyareeyo khataraha kayimaada masiibooyinka ay kamidkayihiin abaaraha iyo daadka? Waxaa sidookale loobaahanyahay maadaama uu xafiiskan wadashaqayn toosa laleeyahay haayado caalami ah ay wataan khubaro iyo macalimiin waawayn in cududa shaqaalaha xafiiskan lagu xoojiyo dadk khubaro iyo khibrado badan leh. Sidookale majiraan khabiiro diyaarinkara qorshayaal cad cad oo ay deeq bixiyayaasha kaga soodhacsan karaan fan (securing fund from donors) wax loogu qabto baahida umada waana sababkale oo xoojinaysa in xafiiskan loo shaqaaleeyo tad uu takhasuskoodu sareeyo iyo sidookale si looxaqiijiyo in mashaariicaha haayaduhu fuliyaan ay u fuliyaan sidii loogu talogalay.

Cabdi Shukri Xarago
Jigjiga, Kilil5 Online

better2say kashaqayta masiboyinka

Tanks alot runahanti xafiskan kahortaga masiiboyinka aya waxaa uu isku badalay disaster iskada inu umada ushaqeye. Waxa jirta inu xafisku ka hababay ujedadi lo asasay oo haba yaraate uu lunsanyahay. Waxa hada kahor xafiskan kuxigen ka ahaa khadar (madaxwaynaha seedigii) oo 24hr kuhawlana kaliya sidi qamadiga masaakinta loo iibsan laha taso uu hanti badan kasamaystay. Waxa kalo in la ogado muhim ah in Illegal local NGO yadan uu madaxwaynuhu si toos ah soo amro in sharci lasiyo shurud laan taso uu 40%sheer uu ku leeyahay. Waa kuwee NGO yadan qaybta danbe ayan soo bandhigi doona.