Kalfadhigii maanta oo M/weyne Cabdi Maxamed Cumar ku magacaabay Wasiiro cusub
Jigjiga (Kilil5). Waxaa maalintiisii labaad galay Kalfadhigii 1aad ee ay isugu yimaaddeen dhammaan Xildhibaanada cusub ee DDS. Madaxweynaha DDS Mudane Cabdi Maxamed Cumar ayaa maanta waxaa uu hordhigay Baarlamaanka Liiska Wasiiro cusub oo uu soo xulay Madaxweynuhu, kuwaas oo ay cod buuxa ku ansixiyeen Xubnaha Baarlamaanku.
Haddaba Liiska Wasiirada uu magacaabay Madaxweynuhu ayaa u qornaa sedan:-
1.C/laahi Yuusuf Weerar ---Hogaanka Nabad-galyada Maamulka iyo Cadaalada
2. Suldaan Wali --- Madaxa Biyaha
3. C/raxmaan Sheekh Maxamed ---Xafiiska Waxbarashada
4. Dr. C/qaadir --- Xafiiska Beeraha
5. C/laahi Cabdi Ciise --- Xafiiska Caddaalada
6. C/laahi Maxamed Mawlid --- Xafiiska Ganacsiga
7. Maxamed Faatax Horar --- Xafiiska Maamulka Shaqaalah Dawlada
8. Ibraahim Cali --- Xafiiska Sportiga
9. Axmed-deeq Maxamed --- Xafiiska Dakhliga
10. Maxamed Nuur Gaade --- Xafiiska Shaqaalaha iyo Arimaha Bulshada
11. Xabiib Maxamed Yuusuf --- Xafiiska Jidadka Horumarinta Jidadka Miyiga
12. Axmed Ibraahim Cabdi --- Xafiiska Hanti-dhawrka Guud
13. Maxamed Guuwe Bisle --- Xafiiska Warfaafinta
14. C/qaadir Maxamed Faarax --- Xafiiska Kobcinta Awooda
15. C/fataax Maxamed Xasan --- Xafiiska Madaxwaynaha
16. Cumar Xaaji --- Xafiiska Maaliyada
17. Dr Yuusuf --- Ku-xigeenka Caafimaadka
18. Eng C/risaaq Rashiid --- Ku-xigeenka hawlaha guud
19. Guleed --- Madaxa DPPC
Liiskan ay ku qoran yihiin Wasiirada cusub ee uu soo magacaabay Madaxweyne Cabdi Maxamed Cumar ayaa inbadan oo dadka ree Jigjiga ahi ku tilmaameen mid aan sharci ahayn, isla markaana Wasiirada iyo xilalka loo magacaabay aysan is lahayn inbadan sida Xabiib Muhumed Yusuf oo ah nin soo bartay Caafimaadka oo loo magacaabay hadda Xafiiska Jidadka.
Dawladdan cusub ee uu dhisay Cabdi Maxamed Cumar ayaa dadku intooda badan dhaliilayaan, walaw ay jiraan dad leh “ Dawlad un hala dhisoâ€.
Jigjiga
Kilil5 Online



IslamOnline





















