Tababar 6 Bilood socday loona qabtay 123 Gabdhood ayaa lagu soo gabagabeeyay maanta magaalada Dhagaxbuur
Dhagaxbuur (Kilil5). Waxaa magaalada Dhagaxbuur lagu soo gabagabeeyay Tababar loo qabtay 123 Gabdhood oo ka kala socday Qoraxay, Dhagaxbuur iyo Fiiq. Tababarkan loo soo xidhay Gabdhahan ayaa ahaa mid loogu talagalay Dhakhaatiirta ree Guuraaga ah ( Health Workers), wuxuuna socday tababarkani muddo 6 Bilood ah.
Tababarkan ayaa ahaa mid Gabdhahani ku baranayeen sida looga hortago cudurada faafa, iyadoo cashiro ku filan laga siiyay siday dadka ree guuraagga ah uga dhaadhicin lahaaayeen isla markaana ugu faa’iidayn lahaayeen siday isooga ilaalin lahaayeen cudurada faafa.
Gabagabadii Tababarkan ayaa waxaa maanta Xaflad loo qabtay Gabdhihii dhamaystay Tababarkan, iyagoo abaalmarino kala duwana halkaa lagu guddoonsiiyay, waxaa goob joog ahaa Madaxda Maamulka Degmada Dhagaxbuur iyo kasoo qeyb galayaal badan.
Maamulada Qoraxay, Dhagaxbuur iyo Fiiq ayaa waayadan dambe waxay dadaal ku bixinayeen sidii dadka ree guuraagga ah wax loogu faa’iidayn lahaa, iyagoo dadaal xooggan saaray sidii dad tababaro kala duwan la soo siiyay loogu diri lahaa meelaha baadiyayaasha ah. Kuwaas oo wax badan ka soo qaban doona meelaha loo diro.
Dhagaxbuur
Kilil5 Online



IslamOnline





















