Cabdi Maxamed Cumar (Cabdi Iley) oo Xildhibaanadu cod buuxa ugu ansixiyeen xilka Madaxweynaha DDS

Submitted by jawharyare on Thu, 2010-09-02 08:20
Sep 2 2000

Jigjiga (Kilil5). Wararka sida tooska ah ugu soo dhacaya Shabakadda Kilil5 ee ka imaanaya hoolka uu ka socdo Kalfadhiga 1aad ee Xildhibaanada DDS ayaa sheegaya in cod buuxa loogu doortay in uu Madaxweyne noqdo Mudane Cabdi Maxamed Cumar.

Gudoomiyaha Xisbiga Dimuquraadiga Shacbiga Soomaalida Itoobiya Mudane C/fataax Sheekh Cabdilaahi ayaa usoo dhigay baarlamaanku inuu cod ku ansixiyo jagada Madaxwaynaha Mudane Cabdi Maxamud Cumar, Halkaasna barlamaanku cod buuxa ku ansixiyeen, Cabdi Maxamed Cumar ayaa muddo dhawr bilood ah si kumeelgaadh ah usii hayay Xilka Madaxweyninimo balse maanta cod buuxa loogu ansixiyay inuu noqod Madaxweynaha 5ta sano ee socota ee Degaanka Soomaalida.

Dhaarta Madaxweynaha cusub Cabdi Maxamed Cumar lagu dhaarinayay xilka loo magacaabay ayaa waxaa goob jog ahaa dhammaan Xildhibaanada DDS iyo Marti Sharaf kale, waxaana uu Cabdi Maxamed Cumar dhaar ku maray inuu Xilka loo magacaabay ee Madaxweynaha DDS uu u qaban doono sidii loo baahnaa isagoo umaddiisana u adeegaya.

Shirka ayaa ilaa bari socon doona iyadoo waxyaabaha kale ee ansixintoodu laaban yihiin lagu soo qaadi doono Shirka bari.

Hadba wixii soo kordha Shabakadda Kilil5 kala soco

Jigjiga
Kilil5 Online