Xildhibaanadda DDS oo maanta Kalfadhigoodii u horeeyay isugu yimid Jigjiga
Jigjiga (Kilil5). Waxaa maanta hoolka Shirarka ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan ka furmay Kalfadhigii ugu horeeyay ee ay yeeshaan Xildhibaanadda DDS.
Kalfadhigan oo socon doona labo maalmood ayaa lagu lafa guri doonaa, waxyaabo badan oo khuseeya dawladda cusub ee M/weyne Cabdi Maxamed Cumar. Iyadoo la filayo in sidoo kale gp’aamo wax ku ool ah ay soo bixi doonaan shirkaas.
Guud ahaan madasha uu Shirku ka soconayo ayaa waxaa lagu sharxay oo lagu qurxiyay Calamada Itoobiya iyo kan Degaanka, iyadoo sidoo kale biyo badan lagu rusheeyay barxadda hoolka Shirarka si uu dhulku u qabawnaado maadaama kulaylo ay jiraan maanta magaalada.
Wixii ka soo baxa Kalfadhigan waxaad kala socon kartaa Shabakadda Kilil5 Online.
Jigjiga
Kilil5 Online



IslamOnline





















