Ganacsatada Jigjiga oo meheradahooda u xidhay maanta sarrifka dollarka ee kacay dartii
Jigjiga (Kilil5). Ganacsatada magaalada Jigjiga ayaa maanta meheradooda albaabada isugu dhuftay kaddib markay garan waayeen wax ay alaabtooda ku iibiyaan, ganacsatadan ayaa maanta aad ula wareeray sarrifka dollarka ee halmar sare u kacay. Waxayna sheegeen inaysan xal kale hayn aan ka ahayn inay Albaabada isugu laabaan meheradahooda ganacsi.
Haddaba qaar kamid ah Ganacsatada Jigjiga ayaa Shabakadda Kilil5 Online waxay u sheegeen in iyagu ay go’aansadeen inay meheradahooda albaabada u xidhaan, iyagoo dadkana ku qancinayan in sarrifkii dollarku sare u kacay ilaa xad, markaa ay sugayaan inta sarrif go’an looga yeelayo dollarka.
Sidoo kale ganacsatada Jigjiga waxay Shabakadda Kilil5 Online u sheegeen in ay joojinayaan dhammaan ganacsigooda isla markaana aysan waxba ka iibinayn dadka inta xal looga helayo sarrifka kacay.
Sarifkan kacay ayaa sidoo kale Gobollada hoose saamayn weyn ku yeeshay, iyadoo dhammaan Xawaaladaha Gobollada hoose ka shaqeeyaa ay shaqadii joojiyeen maadaama sarrifkii uu khalkhal ka galay, waxayna sugayaan inta sarrif go’an uu usoo baxayo, waxaa xusid mudan in Gobollada hoose ay ku shaqeeyaan sarrif ka badan kan bangiyada.
Si kastaba ha ahaatee arrintan sarrifka dollarka ee sare u kacay ayaa maanta qof walba oo Degaanka Soomaalida joogaayi hadal hayaa, iyagoo arrintan u arka dhibaato inteeda le’eg oo dhaqaalihii Degaanka soo wajahday. Waxayna arrintan sarrifku saameyn ku yeelan doontaa Nolosha bulshada oo wax walba la isku qaaliyeen doona, waxaa kale oo dhici doonta in Guryaha kirada loogu jiro iyagana qiimahooda lagu daro. Lacagta Itoobiya ayaa qiimaheedii hoos u dhacay, iyadoo lacagta Itoobiya ay hadda ku dhaw dahay inay noqoto midda Somaliya oo jawaano lagu raran doono haddii sidan uu usii socdo sarrifka dollarka ee hawada ku sii socda.
Wixii ka soo kordha sarrifka dollarka ee kacay iyo guud ahaan Degaanka Soomaalida kala soco Kilil5.com
Jigjiga
Kilil5 Online



IslamOnline





















