Sarrifka Dollarka ee Birta Itoobiya oo maanta gaadhay meel uusan waligii gaadhin, iyo maciishadii oo sare ukac ku yimid
Jigjiga (Kilil5). Waxaa maanta halmar sare u kacay sarrifka Dollarka ee Birta Itoobiya, dhammaan bangiyada Itoobiya ayaa maanta waxay ku bixinayeen dollarka lacag dhan 1635 Birr, iyadoo maalmo ka hor uu ahaa sarrifka dollarku lacag dhan 1362 Birr. sariifkan saaka is badalay ayaa dhammaan goobaha ganacsiga ee Itoobiy saamayn weyn ku yeeshay. iyadoo markiiba Suuqyada iyo Tukaamadu ay maciishadii ku dareen qiimaheedii.
Magaalada Wajaale oo ah magaalo ganacsi ayaa maanta ay wada xidhnaayeen dhammaan sarriflayaasha dollarka ku sarifa Birta Itoobiya, iyadoo mar aanu la xidhiidhnay qaar kamid ah Sariflayaasha Wajaale noo sheegeen inaysan garanayn sarrif ay sarifaan Birtii. Wajaale ayaa waxaa ka jira sarriflayaal aan hoos imaan Bangiyada Itoobiya kuwaas oo marwalba ka sareeya sarifka bangiyada Itoobiya.
Jigjiga oo ah Caasimadda Degaanka Soomaalida ayaa maanta iyaduna khalkhal xooggan ka muuqday Bangiyadeedu, Xawaaladaha ay Soomaalidu isticmaasho ayaa Jigjiga intooda badan waxay hoos yimaaddaan Bangiyada Dawladda, kuwaas oo sarifka ay ku bixinayaan dollarka iyagu soo go'aamiya dabadeedna Xawaaladuhu ku bixiyaan sarifkaas banigiga. mar aanu maanta galinkii hore soo dhex marnay Xawaaladaha Jigjiga sida Amal iyo Dahabshiil ayaa waxay noo sheegeen inay aad ula yaaban yihiin sarrifkan sida weyn isku badalay halmar. iyagoo sheegay inay markii u horeysay tahay oo Birtu halkan ay maanta gaadhay ay gaadho.
Shacabweynaha ree Jigjiga ayaa sarrifkan ku tilmaamay mid aan iyaga haba yaraatee u fiicnayn, iyagoo sheegay in mar walba oo qiimaha sarifku kor u kaco dhinaca kale lagaga darayo oo maciishadii iyo waxaad suuqa uga baahato qiimihiisa lagugu darayo.
Itoobiya ayaa mar walba sarrifka sare u qaada iyadoo ay ugu wacan tahay lacagaha ay ka daynsato IMF, oo marwalba oo ay sii siyaado iyaduna sarrifka wax ku darta.
Jigjiga
Kilil5 Online



IslamOnline





















