Nabadsugidda DDS oo sheegay inay wadayaan hawlaha baadhitaanka habeenkii ee magaalada Jigjiga

Submitted by jawharyare on Tue, 2010-08-31 12:06
Aug 31 2000

Jigjiga (Kilil5). Hay’addaha Nabad sugidda ee DDS ayaa sheegay inay wadayaan baadhitaannada habeenkii ee magaalada Jigjiga dhexdeeda, iyagoo sheegay inaysan marna ka caajisayn isla markaana ay joogtaynayaan baadhitaanka habeenkii ee magaalada.

Nabad sugidda ayaa sidoo kale sheegay inay had iyo jeer xoojinayaan dhalinyarta habeenkii wada hawlaha baadhitaanka ee magaalada iyagoo sheegay in dhalinyartaasi yihiin kuwo iskood isu xilqaamay isla markaana hawsha baadhintaanka habeenkii ay raalli ku yihiin.

Baadhitaannada habeenkii ee magaalada Jigjiga ayaa sabab waxay u noqdeen in ammaanka magaaladu uu maalinba maalinka xiga ka soo reeyo, iyadoo Shacabka magaaladuna ay aad usoo dhaweeyeen hawlaha baadhitaanka habeenkii ee lagu sugayo amaanka magaalada.

Magaalada Jigjiga waa markii u horeysay ee wakhti sidan u dheer uu ammaankeedu sidan u wanaagsanaado, iyadoo inta badan magaalada ay dhibaatooyin kala duwan ka dhici jireen wakhtiyadii hore, sida qaraxyo iyo dad la iska dilo, taas oo soo afjarantay intii ay DDS xoojisay hawlaha nabadsugidda ee magaalada oo ay iska kaashadeen Boolis xirfad u leh hawlaha nabadgalyada iyo dhalinyaro gacansiinaysa Booliska oo laga soo kala xulay dhammaan Xaafadaha magaalada Jigjiga.

Jigjiga
Kilil5 Online