Baajaajta oo loo fasaxay inay habeenkii shaqayso inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan

Submitted by jawharyare on Tue, 2010-08-31 11:48
Aug 31 2000

Jigjiga (Kilil5). Adeegga Tagaasida yaryar ee Baajaajta ayaa loo fasaxay inay xilliyada habeenkii ah shaqeeyaan inta lagu guda jiro bisha Ramadaan, Adeegga Baajaajta ayaa shaqayn doonta habeenkii inta fiidkii ah iyo waliba ilaa 12:00 habeenimo, iyadoo taasna loogu fasaxay maadaama bil Ramadaan lagu jiro oo dadku aad ugu baahanayaan Baajaajta.

Baajaajta ayaa horey u xaroon jirtay markay qoraxdu dhacdo. Kaddibna baajaajtii la arko la xidhi jiray, taas oo shacabku dhibaato xooggan ku qabay, balse intii la galay Ramadaan, Baajaajtu waa iska shaqaynaysaa habeenkii oo dhan, waxaana arrintan ka faa’iidaysanaya dadka iyagu ku raga habeenkii magaalada iyo dadka kale ee saamalaylka ku ah magaalada dhexdeeda.

Adeegga Baajaajta waa mid ay dadku aad ugu xidhan yihiin isla markaana isticmaalkeedu aad ugu badan yahay magaalada Jigjiga, waxayna suuqyada ka saaraysaa Tagaasida kale, iyadoo dadka badanaa gaarka u kaxaysta ay ku qaado qiimo jaban, sida ay dadku u isticmaalaan waxay Baajaajtu noqotay qeyb ka mid ah nolosha shacabka ree Jigjiga.

Jigjiga
Kilil5 Online