Jaaliyada Gobalka Dhagaxbuur oo Taageeraysa Dhaqdhaqaaqa Nabada

Submitted by webmaster on Mon, 2010-08-30 20:31
Aug 30 2000

QURBA-JOOGTA G/DHAGAXBUUR , DDS, ETHIOPIA
WAQOOYIGA AMERICA
AUGUST 29, 2010

WAR SAXAAFADEED.

Waxaanu la soconay Shirka Nabadoonimada ee ay hormoodka ka ahaayeen Cuqaasha iyo wax-garadka bulshada ku dhaqan G/Dhagaxbuur oo galabta lagu soo gabo-gabeeyey Xarunta Cilmi-baadhista ee dooxada Faafaneed, Dhagaxlle, Jigjiga, DDS Ethiopia. Anagoo, hadaba, tixraacayna shirkaas waxaanu doonaynaa, marka hore, inaanu kobtan ka muujino sida aanu raali uga nahay hadafka iyo natiijooyinka shirkaas ka soo baxay. Waxaanu taageersanahay dadkii soo agaasimay, kuwii hirgaliyey iyo kuwii ka qayb-galay intaba. Waxaanu, marka xiga, ku faraxsanahay inaanu aragno bulshada: DDS guud ahaan, gaar ahaan bulshada G/Dhaxbuur oo u dhaqaaqsan dhanka: NABADA, HORUMARKA iyo NOLOSHA tayada leh. Waxaan isleenahay waxaa halkan ku haboon inaan soo xigano erayadii Dr. Martin luther King Jr markii uu lahaa “Darkness cannot drive out darkness; only light can do that. “ oo macneheedu yahay “mugdigu kaama saari karo mugdi; iftiin umbaa kaa saari kara mugdiga.”. Waxaynu ognahay in dagaalkii iyo dadaalkii Jab-hadaynta ayna meel fog ina gaadhsiin marka aan bar-bardhigno kharashkii naf-iyo-maalka lahaa ee aan galinay 50-kii sano ee ugu dambaysay. Sidaa darteed, wuxuu cagliga fiicani inoo tilmaamayaa inaan la nimaadno tabo iyo xeelado cusub oo aan kula tacaali karno xiligan la joogo si dadkeenu uga midnoqdo bulshawaynta caalamka ee ka badbaaday cidhibtirka kayimaada dagaalada, cudarada, gaajada, aqoondarida iyo kuwa lamid ka ah.

Waxaynu ognahay in 9-ka gobol ee DDS ay Jab-hadayntu ka jirto sadex ilaa afar gobol oo kaliya macneheeduna noqonayo 60-70% inay ka maqanyihiin saaxada waxa aynu ugu yeedhno “Halganka”. Tusaale ahaan, G/Shiniille, G/Liben iyo G/Afdheer oo ah kan ugu balaadhan dhanka masaaxada (land-mass), waxaan ku doodi karnaa inaan laga aqoonin macnaha JWXO iyo “Halgankeeda” hubaysan toona. Dhanka kale, G/Jigjiga waa gobolka ugu dadka badan ee ay ku taallo caasimada Jigjiga, miyeynu maqalay wax halgan ah oo ka socda? Ama ha’ahaato maamul xumada ka jirta JWXO oo si cad ugu guuldaraysatay midaynta shacbiga reer Ogadenia, xaqiiqdiina kamidnoqday kuwa si cad ulaaya shacbiga reer Ogadenia.

Waxaan bulshada G/Dhagaxbuur xasuusinaynaa inay “iyaga” dani ugu jirto ololaha nabada ee ka aloosan DDS, sidaasi darteed waa inay gacmaha-u-furaan! Waxaa kale oo aan bulshada G/Dhagaxbuur xasuusinaynaa in ururkii ONLF inuu ku biiray ururadii fashilmay ee aan taariikhda horay ugu maqalay; wax xil ah oo “iyaga” si gaar ah uga saaran “ka wal-walkiisa” ayna jirin. Waxaan bulshada G/Dhagaxbuur iyo bulshada DDS ku la talinaynaa inay u dhaqaaqaan dhanka: Nabda, Horumarka iyo Hal-abuurnimada (creativity).

Ugu dambayntii waxaanu munaasibada uga faa’iidaysanaynaa inaanu hambalyo u diro Madaxweynaha cusub M. Cabdi Muxumed Cumar oo goob-joog ka haa siiyeyna tixgalin gaar ah hirgalnta shirka G/Dhagaxbuur ee maanta la soo gabagabeyey iyo madaxa gobolka Dhagaxbuur mudane Badal Xiis oo si gaar ah ah isaga xilsaarey shirkan qabsoomidiisa. Waxaa kale oo aanu halkan mahad uga celinaynaa: madaxdii kale iyo madax-dhaqameedyadii beelaha DDS ee shirkaa ka soo qayb gashay.
Gabagabadii waxaan PM Dowlada Ferdaraalka Ethiopia M Meles Zenawi iyo Madaxweynaha DDS M Cabdi Muxumed Cumar ka codsanaynaa:

1. In cadaadiska milatari iyo kan siyaasadeedba laga qaado D/Dhagaxbuur,

2. In la siidaayo maxaabiista siyaasadeed ay ka midka yihiin caaqiliinta iyo baayac-mushtarka iyo dadka kale ee rayidka ah,

3. In ololaha nabadeed oo ay ku dheehantay niyad wanaag la siiwado, lana balaadhiyo iyadoo maskaxda lagu hayo wadiiqooyinka ‘win-win’ ku waas oo horoy lagu xaliyey khilaafaadyo badan.

Waxaan rajeynaynaa in dhamaan degaanka lagusoodabaalo nabad waarta.

Mahadsanidin

Waxaa lala xidhiidhi karaa:
Maxamed Kaahin
Maxamed Q Yuusuf
Suldaan Cumar
Cabdi Bulxan
Qaman73@hotmail.com

Opinion articles written by individual contributors do not necessarily represent the opinion of Kilil5.com