Wasiirkii Warfaafinta DDS Guuleed Casoowe oo xilkii laga xayuubiyay

Submitted by jawharyare on Sat, 2010-08-28 03:28
Aug 28 2000

Jigjiga (Kilil5). Sida ay sheegayaa warar xogagaal ah oo ka soo baxaya Xafiiska Warfaafinta waxaa xilkii Wasiirnimo laga qaaday Guuleed Casoowe oo ahaa Wasiirkii Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska DDS, Wasiirka ayaan wali la caddayn sababta xilka looga qaaday.

Guuleed Casoowe ayaa wakhti dheer soo hayay Xilka wasiirnimo ee Xafiiska Warfaafinta, waxaana la sheegaa in Adeegyo badan uu Xafiiska Warfaafinta ka hirgaliyay, iyadoo geesta kale lagu dhaliilayay inuu hakiyay Wargays ka soo bixi jiray Warfaafinta oo dadku ay aad ugu xidhnaayeen, sidoo kalena uu curyaamiyay Warbaahinta FM Jigjiga ee haatan ka hana qaaday Degaanka.

Xilka qaadista Guuleed Casoowe ayaa imaanaysa iyadoo dhawaan la filayo in Madaxweyne Cabdi Iley uu soo dhiso Dawladdiisa cusub, isla markaana ay liidato rajada Wasiirada hadda xilalka haya, kuwaas oo ay inbadani xilalkooda dib u habayn lagu samayn doono.

Jigjiga
Kilil5 Online