9 Dabaabadood oo nooca dagaalka ah ayaa lageeyay magaalada Dhagaxbuur
Dhagaxbuur (Kilil5). Wararka isa soo daba dhacaya ee ka imaanaya magaalada Dhagaxbuur ayaa sheegaya in halkaas ay ku sugan yihiin Dabaabado ay leeyihiin Ciidanka Itoobiya (Iihaadhig). Dabaabadahan oo ah kuwo cusub ayaa tiradooda naloogu sheegay ilaa 9 Dabaabadood oo nooca dagaalka ah.
Ilaa iyo hadda lama sheegin waxa loo keenay Dabaabadan dagaal magaalada Dhagaxbuur iyadoo wakhti toddobaad ahba ay yaaleen Dabaabadahani magaalada, balse wararka la isla dhex marayo ayaa sheegaya in Dabaabadahan loo isticmaalayo haddii ay Itoobiya mar kale gasho Somaliya oo waayadan dambe uu Ra’iisal Wasaare Malas hadal hayay in uu gali doono Somaliya haddii loo baahdo Ciidan taakulayn ah oo Itoobiyaan ah.
Shacabka magaalada Dhagaxbuur ayaa aad uga argagaxsan Dabaabadahan la keenay magaalada, iyagoo ka cabsi qaba in xitaa Dabaabadahan ay u isticmaali karto Itoobiya ladagaalanka Jabhadda ONLF oo dagaallo ka wada meelo kamid ah Degaanka.
Dhanka kale meelo kale oo Degaanka kamid ah ayaa iyagana laga soo sheegayaa in Dabaabado noocan oo kale ah la geeyay, iyadoo wali aan war rasmi ah laga hayn waxa loogu talagalay Dabaabadahan iyo hawsha ay qaban doonaan.
Wixii ka soo kordha arrimahan kala soco Kilil5.com
Dhagaxbuur,
Kilil5 Onilne



IslamOnline





















