Wafdigii Nabadoonka Fiiq iyo ONLF ka koobnaa oo dib ugu soo laabtay magaalada Fiiq

Submitted by jawharyare on Wed, 2010-08-25 21:07
Aug 25 2000

Fiiq (Kilil5). Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Magaalada Fiiq, waxaa dib magaalada FIiq ugu soo laabtay Wafdi isku ladhan oo ka koobnaa garabka nabadda qaatay ee ONLF iyo Nabadoonka Gobolka Fiiq oo ka koobnaa Odayaal iyo Waxgaradka Gobolka Fiiq.

Wafdigan ayaa waxay socdaal nabadeed ku soo mareen dhammaan Degmooyinka uu ka kooban yahay Gobolka Fiiq, iyagoo Shacabka halkaa ku dhaqan kulamo gaargaar ah la soo yeeshay, ujeedada kulamadan ayaa ahaa sidii barnaamijka nabadeed ee ay ONLF wadato looga dhaadhicin lahaa Shacabka Gobolka Fiiq, isla markaana dadka loo fahansiin lahaa in ONLF aysan hadda kadib ahayn ONLFtii dagaalami jirtay ee ay tahay ONLF Nabad qaadatay oo hormarka Degaanka ka shaqayn doonta.

Haddaba Wafdigna ayaa markay soo dhamaysteen socdaalkoodii nabadeed ee Gobolka Fiiq waxay dib ugu soo laabteen magaalada Fiiq oo ahayd halkii ay markii hore ka anbabaxeen, waxayna Shacabka magaalada Fiiq Warbixin dheer ka siiyeen socdaalkoodii nabadeed ee ay Degmooyinka Fiiq hoos yimaadda ay ku soo tageen, iyagoo sheegay in dhammaan Degmooyinka Fiiq aad looga soo dhaweeyay isla markaana shacabku ahaa mid aad iyo aad u jecel nabadda soona dhaweynayay barnaamijka nabadeed ee ONLF.

Wafdigan ayaa Shabakadda Kilil5 u sheegay in dhammaan Degmooyinkii ay soo mareen aysan kala kulmin wax dhibaato ah, oo aysan arkin wax carqaladeeyay hawlaha nabadeed ee ay u tageen Degmooyinka Gobolka Fiiq.

Shacabka Gobolka Fiiq ayaa ah mid isagu aalaaba jecel Nabadda isla markaana si hagar laáan ah ula shaqeeya cid walba oo hawlo nabadeed wada, waxaana aad kaaga yaabinaya markay ka waramayaan Wafdigan socdaalkoodii nabadeed inay soo arkeen Shacab u oomanaa Nabadda, isla markaana aan horey u arkin Wafdi ONLF ah iyo Odayaashii Gobolka oo Nabad u socda.

Fiiq
Kilil5 Online