Wariyayaal u dhashay Degaanka oo Tababar looga furay magaalada Jigjiga

Submitted by jawharyare on Wed, 2010-08-25 16:01
Aug 25 2000

Jigjiga (Kilil5). Waxaa magaalo madaxda DDS ee Jigjiga ka furmay Tababar loo qabanayay Suxufiyiinta ka hawlgasha Degaanka, Suxufiyiintan ayaa ah kuwo si gaar ah loo soo xulay, waxayna ka hawlgali doonaan Idaacadda iyo TVga uu Degaanku yeelanayo dhawaan.

Haddaba Tababarkan ayaa waxaa soo diyaariyay khubaro dhanka Saxaafadda ah oo ka socday Dawladda Fadaraalka, wuxuuna socon doonaa tababarkan 10 maalmood halkaas oo ay Suxufiyiintu ku baranayaan cashiro la xidhiidha qaababka Wararka ee Idaacadda iyo TVga. waxayna marka ay Tababarkan dhamaystaan ay markiiba ka hawlgali doonaan Idaacadda FM Jigjiga iyo sidoo kale TVga Degaanka oo wakhti dhaw laga furi doono Caasimadda Degaanka ee Jigjiga.

Suxufiyiintan Tababarka la siinayo ayaa isugu jira kuwo markii hore soo maray Waxbarashada dhanka Saxaafadda ah iyo kuwo ay hadda ugu horleedahay, waana Tababarkii u horeeyay ee Suxufiyiin loo furo intii la aasaasay Idaacadda FM Jigjiga iyo Wakaaladda Wararka ee Degaanka.

Tababarkan ayaa ku soo hagaagay xilli aad loogu baahnaa in Wariyayaasha ka hawlagala Degaanka loo furo Tababar noocan ah, waxayna inbadan ku shaqayn jireen hadda ka hor iyagoon wax tababar ah haysanin, waxaa jiray dhaliilo badan oo hadda ka hor loo soo jeedin jiray Wariyaasha ka hawlgala FM Jigjiga, kuwaas oo badanaa aan loo bogi jiray qaabka ay Wararka iyo Baraamijta kale u siidaayaan, balse sida lagu rajo wayn yahay wixii Tababarkan ka dambeeya ay noqon doonaan Wariyayaashaas kuwo Wararkoodu xiiso yeesho.

Degaanka Soomaalida ayaa waxaa ka shaqaysa Warbaahinta ay Dawladdu leedahay, taas oo badanaa isugu jirta Idaacad iyo Website, iyadoo ay ka hawlagalaan Suxufiyiin badan oo u kala shaqeeya Idaacadaha Fadaraalka ah iyo midda FMta Jigjiga, Dawladda Degaanka ayaan wali iyadu xoogga saarin siday Degaanka uga hawlgali lahaayeen Suxufiyiin madax banaan oo si toos ah uga soo warama Degaanka, marka laga reebo kuwo mar iyo dhif yimaadda Degaanka oo Warbixino ka duuba sidaasna ku taga oon dib u soo laaban. Caalamka intiisa kale ayaa waxaa uu ku kala socdaa labo Saxaafadood mid codka Dawladda ku hadasha iyo mid madax banaan, balse ilaa iyo hadda Degaanka Soomaalida waxaa ka hawlagasha Saxaafadda ay maamusho Dawladdu.

Jigjiga
Kilil5 Online