Cali Shucaac oo hadal hayntiisii la iska ilaaway kaddib markii lagu guuldaraystay in la soodaayo

Submitted by jawharyare on Wed, 2010-08-25 08:25
Aug 25 2000

Jigjiga (Kilil5). Sida aan ka war qabno Xukuumaadda Degaanka Soomaalda waxay dhawaan xabsiga dhigeen Cali Shucaac oo ahaa nin caan ka ah Degaanka, Cali Shucaac waxay Dawladdu u xidhay siyaabo kala duwan oo aan wali sifiican loo fahmin, balse u badan tuhun.

Haddaba maalmihii hore ee uu xadhigiisu horlahaa ayay Eheladiisa iyo dadkii u doodayayba ay u socsocdeen sidii loo soo dayn lahaa, waxaa arrimihiisa isu xilqaamay Odayaasha Jigjiga iyo dad kale oo cuqaasha ka mid ah, waxaa sidoo kale hawl galay dad Eheladiisa ah oo inbadan isku dayay inay Oday Cali Shucaac xabsiga ka soo daayaan, laakiin taas waa suurtoobi wayday.

Arrinta Cali Shucaac ayaa toddobaadadan isla aamustay oo wax hadal hayaba uusan jirin kaddib markii dadkii u ololeynayay ay ka wada daaleen oo ay ku guuldaraysteen inay soo daayaan, waxayna qof walba oo arrintiisa u socday ku qasbanaatay inuu iskaga baxo hawsha Cali Shucaac maadaama wax ka soo socdaa uusan wali jirin.

Dawladda Degaanka ayaan wali ka hadal arrinta Cali Shucaac iyadoo sidoo kale u aamustay dadka uu ka dhashay Cali Shucaac, iyagoo dadkaasi ay jeclaan lahaayeen sida wajiyadooda ka muuqata in si un loogu taliyo Oday Cali Shucaac, oo wax inta lagu cadeeyo sidaas lagu xukumo amase la iska siidaayaba.

Qaar kamid ah Ehelada Cali Shucaac oo Kilil5.com la soo xidhiidhay ayaa sheegaya in mar haddii aysan iyagu wax ku ogayn isooga dhawaan karto inla iska siidaayo balse wakhtigii taasi dhici lahayd aan wali lagaranayn.

Si kastaba ha ahaatee arrinta Cali Shucaac ayaa noqotay mid qofkii aad waydiisaba uu ku leeyahay goortii la soodaayo umbaynu arki doonaa, waxayna dadku isugu jiraan kuwo ka rajo go’ay siidayntiisa iyo kuwo ku rajo wayn in lasoo dayn doono.

Jigjiga
Kilil5 Online