Xafiiska Gaadiidka ee DDS oo Sharci cusub usoo dajiyay Baajaajta ka dhex shaqaysa Magaalada Jigjiga

Submitted by jawharyare on Mon, 2010-08-23 08:46
Aug 23 2000

Jigjiga (Kilil5). Xafiiska Gaadiidka, Ganacsiga iyo Warshadaha DDS ayaa maanta sharci cusub usoo dajiyay dhammaan Baajaajta ka dhex shaqaysa magaalada Jigjiga, Sharcigan cusub ayaa dhigaya in Baajaajta loo qeybiyo jidadka waaweyn ee magaalada dhex mara, tusaale ahaan Wadada Isbitaalka Kaaramara tagta waxaa la siiyay (A) oo Baajaajta ku dhagan tahay (A) macnaheedu yahay waxay ku qoran tahay wadada Isbitaalka sidaasna qofku ku raacayo. Xaafadaha kale ayaa la kala siiyay Xuruufta B oo ah Wadada Qumaadaaga, C oo ah Wadada Keelaaga u kacda iyo Hotel Xamda, D ayaa ah Wadada Jibriga Xaafadaha aaggaas ku yaalla. Dhammaan Xuruuftaasi waxay ku dhajisan yihiin Baajaaj kasta oo Jigjiga ka dhex shaqaysa.

Darawalada Baajaajta ayaa sidoo kale lagu amray inaysan qof shaqsi ah qaadi Karin kalidii saacadaha dadku ku badan yahay suuqa ama shaqooyinka laga soo rawaxo, sida duhurkii iyo maqrib ku dhawaad, haddii laga maarmi waayo waxaa loo oggolaaday in qofkii ay geeyaan meesha uu sida gaarka ah ugu kiraystay Baajaajta kaddibna halkii ay ku qornayd ay soo istaagto oo sidaas shaqadii ay ku qornayd u qabato.

Qiimihii lagu raaci jiray ayaa iyagana la kordhiyay, Baajaajta oo waligeed inta qiimo gaadhi sare u kacayo iyadu halkeedii un taagnayd ayaa maanta markii u horeysay qiimihii lagu daray, maanta wixii ka horeeyay waxaa lagu raaci jiray qofkii 1 Birr, maanta ayaa waxaa laga dhigay qofkii 2 Birr, oo hal Birr lagu daray. Qiimihii gaarka loogu kiraysan jiray isaga waa 10 Birr oo waxba lagama badalin.

Sharcigan cusub oo maanta un ka soo baxay Xafiiska Gaadiidka ee DDS, ayaan wali dadku la qabsan, wuxuuna Sharcigan inbadan la shaqayn doonaa Shacabka magaalada Jigjiga oo markii hore la dhibaataysnaa gaadiidkan yaryar ee Baajaajta loo yaqaano. Sidoo kale Qiimahan lagu daray Baajaajta inta lagu raaco ayaa iyana dhici kartaa in dadku dhibsado, maadaama inbadan oo 2 Birr awoodaa aysan jirin.

Guud ahaan Shacabka magaalada Jigjiga ayaa soo dhaweeyay tallaabadan uu Xafiiska Gaadiidku qaaday, iyadoo inbadan ay sheegeen in waa hore ay ahayd in sharcigan loo dajiyo Baajaajta, balse hadda haddiiba sharci loo sameeyay Baajaajta ay tahay mid Ilaahay lagu mahadiyo, maadaama dadku waayadii hore dhib intiisa la eg ku qabeen Baajaajta.

Jigjiga
Kilil5 Online