Jabhadda ONLF oo beeniysay in wadahal ay la galeyso Dawladda Itoobiya
Dooxa (Kilil5). Jabhadda ONLF ayaa maanta waxba kama jiraan ku tilmaantay Xubno ka tirsan Jabhadda oo heshiis lagalaya Dawladda Itoobiya, iyadoo sheegtay in wararkaasi aysan waxba ka jirin. Dawladda Itoobiya ayaa dhankeeda ka sheegtay in wada hadal uu usocdo Dawladda iyo ONLF, taas oo heshiis kama dambays ah lagu kala saxiixan doono Addis Ababa.
Xuseen Max’ed Nuur oo ah madaxa Warfaafinta Jabhadda ONLF ayaa mar uu maanta la hadlayay Warbaahinta Caalamka sheegay inaysan waxba ka jirin warkii maalmo ka hor ka soo baxay Dawladda Itoobiya, waxa kale oo uu sheegay in Eng.Salaaxudiin oo ah Guddoomiyaha garabka nabadda qaatay ee ONLF ee wada hadalka kula jirta Itoobiya ay horey uga saareen Jabhadda sannadkii 2006, kadib markii uu lunsaday dhaqaalo ay laheyd Jabhaddu waa sida uu hadalka u dhigay.
Madaxa Warfaafinta Jabhaddu waxaa uu sidoo kale sheegay in dagaalo ay Ciidanka Itoobiya la galeen Bishan Ramadaan dhexdeeda ay la wareegeen 10 xero Ciidan, isalmarkaana ay dileen sida uu hadalka u dhigey Saraakiil ka tirsan Dawladda Itoobiya.
Jabhadda ONLF ayaa inta badan ku tilmaanta garabkan Nabadda qaatay kuwo aan Ururka ma talin, isla markaana Xubnaha garabkan horey looga saaray Jabhadda waa sida ay hadalka u dhigaan, iyadoo geesta kale Garabkan nabadda qaatay ee ONLF ee wakhti xaadirkan iyagu ku sugan gudaha Degaanka ay sheegtaan inay yihiin ONLFtii saxda ahayd.
Waxaa xusid mudan in aan wali la arkin Ciidan buuxa oo ONLF ah oo kusoo galay heshiisyada Dawladda iyo garabkan Nabadda qaatay ee ONLF, sida Ciidanka Jabhadda UWSLF oo iyagu markay soo galayeen ay wada socdeen Madaxdooda iyo Ciidankooduba, waxayna arrimaha noocan ahi shacabka Degaanka ku keeneen jahawareer intiisa la eg.
Dooxa, Qadar
Kilil5 Online



IslamOnline





















