Puntland dadka ay musaafurinayso kuma jiraan Dadka ka soo jeeda Degaanka Soomaalida Itoobiya
Boosaaso (Kilil5). Sida ay sheegayaan Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso dadka laga soo musaafurinayo dhulkaas kuma jiraan dadka u dhashay Degaanka Soomaalida Itoobiya, wuxuuna musaafurintu ku egtahay un dadka ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya.
Bilihii aynu soo dhaafnay ayuu Maamulka Puntland sheegay in waddanka uu ka musaafurinayo dadka aan u dhalan, taas oo ay ugu wacnayd dhibaatooyin dhanka Amniga ah oo maamulka lagu hayay, wuxuuna Maamulku dhibaatooyinkaas dusha ka saaray dadka iyagu soo galootiga ku ah Puntland. Balse wararka qaar oo aan ka helayno ilo xogagaal ah ayaa sheegaya in maamulka laftigiisa ay arrimaha Nabadgalyo xumida ka jirta Puntland qeyb ka yihiin iyagu.
Dadka Degaanka u dhashay ee ku dhaqan Boosaaso ayaa magaalada si ballaadhanu dagan, iyagoo hawlo badan ka wata Boosaaso, sida Ganacsiga iyo wixii lamid ah, Waxaana jira dad ganacsigooda ka kala dhex wata Boosaaso iyo Jigjiga, kuwaas oo markii amarka musaafurintu soo baxay cabsi weyn ay gashay balse markii dambe loo sheegay inaysan ku jirin dadka ka soo jeeda Degaanka Soomaalida Itoobiya.
Boosaaso ayaa muddooyinkii dambe ay ka jireen Nabadgalyo xumo soo noqnoqota, taas oo in badan ay qaraxyo iwm ay ka jireen halkaas, wuxuuna Maamulka Puntland amar ku bixiyay in dalka laga saaro dadka soo galootiga ah oo aysan ku jirin dadka ree Ogadeniya ama Dhulka Soomaalida Itoobiya ka soo jeeda.
Boosaaso.
Kilil5 Online



IslamOnline





















