Wakaaladda Biyaha ee Jigjiga oo qiimo go'an usamaysay Dadka Biyaha ka ganacsada

Submitted by jawharyare on Sun, 2010-08-15 05:46
Aug 15 2000

Jigjiga (Kilil5). Wakaaladda Biyaha ee Jigjiga ayaa waxay Sharciyo usoo dajisay dhammaan dadka isticmaala ama haysta Baraagta, kuwaas oo ay biyoolayda magaalada ka dhex shaqaysta ay ka dhaansadaan, Sharcigan ay Wakaaladda Biyuhu usoo dajisay dadka Baraagta leh ayaa ah mid ay qiimo go’an kaga iibinayaan biyaha Biyoolaha. Isla markaana Biyooluhu uu qiimo go’an kaga iibinayo dadkii kale.

Haddaba Sharcigan ayaa dhigaya in foostadii Biyaha ahayd dadka baraagta leh ay Biyoolihii ugu dhaamiyaan 1 Birr, isna Jeergiraankii uu dadka ugu dhaamiyo 1 Birr, Wakaaladda ayaa sheegtay in Sharcigaas ciddii jabisa ama ka leexata sharciga la waafajinayo.

Sidoo kale Wakaaladda ayaa Shacabka ree Jigjiga ugu baaqday in ciddii ay arkaan inay Sharcigan ku dhaqmayn ay soo sheegaan, amase ay Booliska u dhaw u sheegaan.

Waa markii u horeysay ee Wakaaladdu qiimo go’an usamayso dadka baraagta leh iyo biyoolaydaba. Waxaana sharcigan ka faa’iidaysan doona dad badan oo iyagu aan horey duruuftu ugu saamixi waayi jirtay inay biyaha si sahlan u iibsadaan. Biyoolayda iyo dadka Baraagta leh ayaa horey uga dhaxeeyay ganacsi aan qiimo go’an lahayn, waxayna dadku la dhibanaan jireen biyoolayda oo dadka ugu dhaamisa qiimo aad u badan oo aysan goyn jirin.

Magaalada Jigjiga ayaa Xaafadaheedu dhammaan biyuhu wada gashan yihiin, balse Xaafadaha qaar ayaa iyagu aan biyaba helin si kasta oo ay tuumbadu ugu jirto guriga, waxaana Xaafadahaasi ku qasbanaadaan inay Biyoolayda biyaha ka iibsadaan.

Jigjiga
Kilil5 Online