Males Zenawi iyo Sheekh Ibraahim oo kulan xasaasi ah ku dhex maray magaalada Addis Ababa
Addis Ababa (Kilil5). Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magaalada Addis Ababa Waxaa maanta kulan xasaasi ah yeeshay Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Males Zenawi iyo Guddoomiyaha Ururka UWSLF Sheekh Ibraahim Maxamed Xuseen, Kulankan oo ahaa mid aad u qiimo badan ayay labada dhinac ka wada hadleen arrimo badan oo khuseeya Degaanka Soomaalida Itoobiya.
Sidoo kale kulankan ayaa looga hadlay sidii Degaanka Soomaalida loo hormarin lahaa isla markaana Adeegyo badan loo sii xoojin lahaa, sida Caafimaadka, Waxbarashada iyo Adeegyada kale ee bulshada.
Dawladda Fadaraalka ayaa intii uu Ururka UWSLF qaatay Nabadda waxay ballan qaaday inay Degaanka hormar waara gaadhsiinayso, isla markaana xoojinayso Adeegyada bulshada ee wakhtiyadii hore iska liitay.
Geesta kale Males ayaa dhankiisa Bogaadin ujeediyay Madaxda Ururka UWSLF isaga oo sheegay in uu aad ugu Faraxsanyahay Go,aankii Geesinimada lahaa ee ay qaateen Ururku.
Kulankan maanta ayaa imaanaya xilli Itoobiya iyo UWSLF uu xidhiidhkoodu meel wanaagsan marayo, iyadoo dhawaan un ay ahayd markii heshiiskii kama dambaysta ahaa wada saxiixdeen labadan dhinac, Ururka ayaa dhankiisa Nabadda oo buuxda ka qaatay halka Dawladda Itoobiyana ay ballan qaaday inay fulinayso dhammaan waxyaabaha uu Ururku Nabadda u qaatay.
Addis Ababa
Kilil5 Online



IslamOnline





















