Shir balaadhan oo Dhexmaray Jaaliyadaha kasoojeeda kilil5 iyo Gudoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga ee Shacabka Soomaalida Itoobiya
Minneapolis (kilil5)—Gudoomiyaha Xisbiga talada dawlada Ismaamulka Somalida Itoobiya Mudane Abdifatah Sheikh Cabdullahi ayaa maanta shir wayn oo aad u balaadhan kulayeeshay Jaaliyadaha kaladuwan ee Somalida Itoobiya. Shirkan oo ay kasooqayb galeen dad aan kuqiyaasayo 500 iyo dheeraad ayaa waxaa kasooqayb galay dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada oo iskugu jiray aqoonyahan,waxgarad, garaado,suldaano,hooyooyin, cuqaal iyo dhalinyaro.Gudoomiyaha ayaa waxuu jeediyay khudbad qiiro iyo qaayo leh oo taabatay dhamaan nolosha bulshada,horumarka,nabadgalyada iyo siyaasada deegaanka Ismaamulka Soomalida Itoobiya. Shirkan ayaa dadwaynihii kasoo qaybgalay ay garoonka kadareereen iyaga oo aad uladhacay uguna maqsuuday warbixintii gudoomiyaha deegaanka Soomalida 10kii sano ee lasoodhaafay. Mudane Cabdifatah Sheekh Cabdullahi ayaa warbixintiisa oo sifiican loosoodiyaariyay adeegsaday luuqada ay jaaliyada garanayso oo ahaa warbixin kakooban isbarbardhig iyo tiro isaga oo isbarbardhigayay meesha deegaanko hada joogo dhinaca horumarka,nabadgalyo iyo siyaasadba iyo meesha deegaanku joogay 10 sano kahor.
Shirkan caalamiga ah ayaa waxaa daadihinayay wariyaha sida wayn looga yaqaano magaca wayna kuleh magaalooyinka mataanaha ah ee Jigjiga television mudane Badri.Shirkan inta uusan si rasmi ah u furmin ayaa waxaa warbixin maqal iyo muuqaalba ah dadwaynaha lagu daawashiiyay mudo labo saacadood ah,warbixintan oo siisay dadwaynaha horudhac warbixintii guud ee gudoomiyuhu soobandhigay. Shirka ayaa waxaa furay mudane Mohamed Bede oo ku hadlayay magaca jaaliyadaha kasoojeeda dawlada Ismaamulka Soomalida ee sida diiran ugu soodhaweeyay wafdigan shirkana si habsami ah usooqabanqaabiyay.Shirka ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay Sheikh Cabdullahi Ibraahim oo ku hadlayay magaca ururka UWSLF, sheekha oo ka warbixyay wixii ururka UWSLF ku qasbay inay nabada qaataan isaga oo yiri “…Kadib markay wadahadalo dhowr ah dhexmareen ururka UWSLF iyo dawlada dhexe waxaan ogaanay in dhibka ugu wayn ee nadhexyiilay uu ahaa Isfahan la’aan iyo aqoon aanaan isku lahayn oo dhalisay kala shaki iyo is aaminis la’aan.Waxaan aaminay dawlada dhexe markay tiri anagaa hub idiinku dari hubkiina xeryaha ciidamadayana gala nabad buuxda ilaa aad naga aamintaanâ€. Sidoo kale Sheekh Cabullahi Ibrahim ayaa amaan khaas ah usoogeediyay gudoomiyaha Cabdifatah Sheekh Cabdullahi iyo madaxwaynaha deegaanka mudane Cabdi Mohamed Omar dadaalka goonida iyo shakhsiyan ee ay ugu jiraan sidii nabad buuxda oo waarta deegaanka looga dhalin lahaa isaga oo carabka ku dhuftay in nabada ururku qaatay ay ka dambaysay socdaalkii madaxwaynaha iyo gudoomiyaha sanadkii tagay iyo wadaxaajoodkii gooni goonida ahaa ee ururka iyo jaaliyadaha qurbaha ay layeesheen sanadkii 2009.
Waxaa iyana khudbad qosol leh shirka kasoojeediyay gudoomiyaha ururka ONLF ee magaalooyinka mataanaha ah Hooyo Ardo Sheekh Cabdi iyada oo ka taariikhaysay dadaalkii ay nabada usoogashay xitaa xiligii jabhada ONLF ay dagaalka kulajirtay dawlada dhexe ee Itoobiya iyo sababta loogu baahanyahay in nabad buuxda lagahirgaliyo deegaanka Soomalida. “…mudo dheer ayaa xornimo loosoohalgamay waxayna mudantahay in mudo intaas la’eg lasiiyo wadahadalka iyo wadaxaajoodka si nabadgalyo iyo horumar loogaadhoâ€.
Markay dhamaadeen soodhawayntii iyo mahadnaqii jaaliyaduhu ayaa waxaa si rasmi ah ugu soodhaweeyay hadalkiisii shirka qusulka u fadhiya shacabka iyo deegaanka Somalida safaarada Itoobiya ee Washington D.C mudane Moulid Mohamed, isaga oo uga mahadnaqay sida habsamida leh ee shirka loosoo abaabulay iyo siday jaaliyadu ugu soodhaweesay dhamaan wafdiga magaalooyinka mataanaha ah Minnesota. Gudoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga ee Shacabka Soomaalida Itoobiya ayaa halkaas kajeediyay khudbadiisii iyo warbixintiisii dheerayd ee kahadlaysay dhamaan qaybaha nolosha bulshada,nabadgalyada iyo horumarka deegaanka tobonkii sano ee lasoodhaafay iyo aragtida xukuumada madaxwayne Cabdi Mohamed Cumar ee ku aadan 5ta sano ee soosocota iyo siyaasada cusub ee dawlada dhexe ee kuwajahan deegaanka Ismaamulka Soomalida. Warbixinta gudoomiyaha oo todobaadka soosocda aan idiinsoo yaryaray doono anaga oo kataabanayna dibna u jaleecayna muhiimada ay u leeyihiin deegaanka Soomalida, ayaa waxuu gudoomiyuhu sidoo kale taabtay kaalinta loogabaahanyahay jaaliyada qurbaha iyo waxtarka ay ku yeelankarto jaaliyada qurbaha haday jaaliyadaha qurbahu ciyaaraan kaalinta looga baahanyahay dhinaca horumarka iyo nabadgalyada. Dhinaca kale,Wasiir Ku Xigeenka Xafiiska Ka hortaga & u Diyaar Garawga Masiibooyinka ee Dawlad Degaanka Soomaalida Mudane Khadar Cabdi Ismaaciil ayaa shirka usoogudbiyay fariin kooban oo madaxwaynaha deegaanka Mudane Cabdi Mohamed Omar usoogudbiyay dhamaan jaaliyada iyo shacabka kasoojeeda deegaanka Soomalida Itoobiya ee magaalooyinka mataanaha ah iyo kasooqaybgalayaashii shirka. Fariintan madaxwaynaha ayaa dadka shirka joogay aad ugu riyaaqeen iyada oo halmar dadku sacabka lagu dhuftay mudane Khadar oon dhamaynin akhrinta fariinta.
Ugu dambaystii, taageerayaasha jabhada ONLF oo shalay shoobaro kusameeyay shir lagu taageerayay heshiiskii dhexmaray ururka UWSLF iyo dawlada dhexe ayaa manta laga waayay goobtii shirka ka dhacay.Taageerayaasha Jabhada ONLF oo shalay sabtidii u muuqday inay xeeladeeyeen arbushaadoodii shirkii shalay ayaa shirkii manta usuuro gali wayday arbushaadii shalay mid la mid ah iyada oo shirka manta jaaliyadu keenta booliiska magaalada Minneapolis. Meel sidaas aan uga dheerayn shirka ayaa waxaa isku soo aruursaday tiro 6 qof ah halkaas oo mid ka mid ah uu wax duubayay hase yeeshe islamarkiiba lagu amray inay goobta xaalufiyaan.Taageerayaashan ayaa iskaga tagay goobta isla markiiba.
Waxaan asbuucan idiin soogudbin doonaa faahfaahin kale oo shirkan kusaabsan iyo faalo ku aadan aragtidaya warbixintii gudoomiyaha iyo wafdiga guud ahaan.Isku sooduuboo,shirkan ayaa ahaa shir gudoomiyuhu si aqooni ka muuqato usoodiyaariyay warbixintiisa maqsuudiyayna jaaliyadii shirka kasooqaybgashay iyo shakhsiyaadka aan sida khaaska ah gooni gooni u waraysanay. (Well prepared and presented impressively)
Cali Yare,
Minneapolis, Kilil5 Online



IslamOnline





















