Shir lagaga hadlayay Maaliyadda 5ta Degmo ee Gobolka Dhagaxbuur ayaa maanta lagu soo gabagabeeyey Dhagaxbuur
Dhagaxbuur (Kilil5)--Shir ku saabsanaa Miisaaniyadda sannadka 2003 ayaa maanta lagu qabtay magaalada Dhagaxbuur, Shirkan ayaa waxaa isugu yimid Guddoomiyaasha 5ta Degmo ee Gobolka Dhagaxbuur, waxaana hoggaaminayay Shirkaas Guddoomiyaha Gobolka Dhagaxbuur Mudane Baddal Xiis.
Shirkan ayaa ahaa mid lagu jajabinayay Miisaaniyadda uu yeelan doono Gobolka Dhagaxbuur sannadka soo socda ee tirsiga Itoobiya 2003, waxayna Guddoomiyayaasha 5ta Degmo ee Dhagaxbuur isla meel dhigeen Miisaaniyadda Gobolka Dhagaxbuur ee sannadka 2003.
Miisaaniyadda Gobolka Dhagaxbuur ayaa inteeda badan loo qoondeeyay in wax loogu qabto Gobolka siiba dhanka hormarka, Waxbarashada, Caafimaadka, Nabadgalyada iyo waxyaabo kale oo laf dhabar u ah hormarka Gobolka Dhagaxbuur.
Shirkan oo socday muddo laba maalmood ah ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Dhagaxbuur, wuxuuna Shirkani kusoo hagaagayaa xilli horey Degmo kasta oo Gobolka Dhagaxbuur kamid ah ay iskeed markii hore usoo jajabisay Miisaaniyadda kaddibna Shirkan maanta lagu ansixiyay, isla markaana Guddoomiyaha Gobolka dhagaxbuur oo ansixiyay Miisaaniyadaas.
Dhagaxbuur,
Kilil5 Online



IslamOnline





















