Taalo ku taalay xafiiska madaxwaynaha hortiisa oo la dumiyay
Jigjiga(Kilil5)---Madaxwaynaha dawlada deegaanka somalida mudane Cabdi
Maxamud Cumer ayaa manta amar ku bixiyay in la burburiyo Taalo ku
dhextaalay Xayndaabka xafiiska madaxwaynaha taas oo gaar ahaan ku
hortaalay xafiiskiisa. Taaladan oo ay xardhanaayeen ciidamo milatari ah
oo hubaysan oo isugu jira rag iyo naago ayaa tusha kaga yaalay sanam Nin
milatari ah oo qori sita kaas oo u sii jeeday dhanka Somaliya.
Taaladan oo ahayd mid fac dheer lahayd ayaa lafilayaa in ay sameeyeen
dawladii Dhargiga ama Kaligii taliyihii Mingistu. Wali macadam sababta
uu madaxwaynhu amarkan ugu bixiyay in la burburiyo balse waxaa lafilayaa
in ayu jeedadeedu tahay in labada dal ee Itoobiya iyo Somaliya ay yihiin
wadamo saxiib ah u jeedadii loo dhisay taaladanina ay ahayd colaadii ka
dhexaysay labadan wadan xiligii uu wadanka haystay kaligii taliyihii
Mingistu. Waxaa sidookale lagayaabaa in fikradan ay madaxwaynaha ku
dhaliyeen ururka UWSLF ee dhawaan nabada qaatay maadaama taalooyinka
noocan ahi ay sharciyan kaso horjeedaan diinta islaamka amaba aysan
diintu ogolayn.
Jigjiga
Kilil5 Online



IslamOnline





















