Wadada laamida ah ee Addis Ababa ilaa Jigjiga oo u sahashay Basas casri ah inay u kala socdaalaan Jigjiga iyo Addis Ababa
Jigjiga (Kilil5). Tan iyo intii la dhamaystiray Laamida u dhaxaysa Addis Ababa iyo Jigjiga isla markaana la hirgaliyay hawsha samaynta Laamida cusub ee magaalada Jigjiga waxaa magaalada kusoo badanayay Adeegga socdaalka ee casriga ah taas oo Basas casri ah ay kusoo biireen Gaadiidkii magaalada imaan jiray.
Basaskan magaalada Jigjiga yimid ayaa waxaa kamid ah SELAM BUS oo ah Bas caalami ah isla markaana xawli aad u dheer uu ku soconayo, Selam Bus oo Xaruntiisa Jigjiga ay ku taal Hotelka Mandi ee Jigjiga ayay dad badani amaaneen Adeeggiisa, iyagoo wakhti aad u yar uu ukala soconayo magaalooyinka Jigjiga ilaa Addis Ababa.
Bas kale oo waxaa jira isna magaalada Jigjiga ku cusub oo ka faa’iidaystay laamida cusub ee wali laga samaynayo magaalada Jigjiga, Baskan ayaa lagu magacaabaa Sky Bus, ama Diyaaraddii dhulka, Xaruntiisa Jigjigana ay tahay ka soo horjeedka Albaabka weyn ee Kililka, waxaana uuna Suuqa Gaadiidka kula tartamayaa baska kale ee Selam Bus. Adeegyada uu Baskani Sky Bus bixinayo waa kuwo ay aad isugu dhaw yihiin Baska kale Selam Bus, sida Sharaabka iyo Keegga oo qofka musaafarka lagu dhex siinayo inta uu ku jiro labadan Bas.
Haddaba intii ay Degaanka siiba Jigjiga yimaaddeen labadan Bas, ayaa suuqii waxaa ka baxay ama sii yaraanaya Basaskii kale ee ay dadku u kala raaci jireen Jigjiga ilaa Addis Ababa, inkastoo ay aad uga qaalisan yihiin basaskani kuwii hore ee ay dadku raaci jireen, oo dad badani ay wali raacaan Basaskii hore, haddana dadka Degaanka usoo dalxiis taga ama jecel inay wakhti aad u yar u kala socdaan Jigjiga iyo Addis Ababa waxay raacaan labadan Bas ee Selam iyo Sky Bus.
Hormarka uu Degaanku gaadhay ayay ku tusinaysaa Gaadiidka cusub ee wakhti xaadirkan ku soo biiray magaalada Jigjiga, waxaana sabab u ahayd taas Laamida u dhaxaysa Jigjiga ilaa Addis Ababa iyo laamidii kale ee magaalada Jigjiga dhexdeeda ahayd oo dhammaad maraysa. Waxayna sahashay laamidaasi in Gaadiid badan oo casri ah yimaaddo Degaanka, iyadoo la filayo haddii laamidu sii socoto ilaa Gobollada in Basaskani iyo kuwa kale oo ka casrisan ay tagaan Gobollada.
Jigjiga
Kilil5.com



IslamOnline





















