Shir kusaabsanaa sidii loo xoojin lahaa habka Fadaraalka ah ee Itoobiya ayaa lagu qabtay maanta Jigjiga

Submitted by jawharyare on Tue, 2010-08-03 12:23
Aug 3 2000

Jigjiga (Kilil5). Hoolka Shirarka ee Jigjiga ayaa maanta lagu qabtay Shir, ay yeesheen Madaxda heer Fadaraal iyo kuwa Degaanka iyadoo sidoo kale Marti sharaf kamid ah Ururada Nabadda qaatay ee UWSLF iyo ONLF ay joogeen kulankan.

Sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Shirkan Culimaa’udiin, Cuqaasha, dhalinyarada iyo hooyooyinka, Ganacsatada, Shaqaalaha Dawladda iyo Xubno ka socday Jaaliyaadka dibadda ee Degaanka u dhashay.

Shirkan ayaa ahaa gogol xaadh loo samaynayay Shirweynaha 5aad ee Fadaraalisimka ah oo sida la filayo la qaban doono bisha December ee sannadkan laguna qaban doono magaalada Addis Ababa.

Munaasabadani oo loogu magac daray maalinta “faa’iidada federalism” ayaa waxaa hadal furitaana ka soo jeediyay Cabdi Maxamed Cumar Madaxweynaha kumeelgaadhka ah ee DDS isagoo si balaadhan oo faahfaahsan uga hadlay habka federalismka ee ka jira dhamaaan Degaanada dalka.

Wuxuuna Cabdi Iley carabka ku dhuftay maalinta federalismka oo ah maalin qaali ah in ay macno gaara ugu fadhido bulsho waynta Degaanka Soomaalida oo uu sheegay in ay maalintani tahay maalin taariikhi ah oo aan la ilaawi Karin.

Ugu damabayntii wuxuu mahadnaq u soo jeediyay xubnaha keenay fikirka ah in maalinta federalismka si joogta ah sanadkiiba looga xuso dhamaan deegaanada dalka.

Sidoo kale waxaa kamid ahaa Madaxdii halkaa ka hadashay Salamon Taddese oo ah madaxa gudiga qaban qaabada Shirkan ayaa sheegay ujeedada iyo hadafka laga leeyahay munaasabadani in ay tahay laba arimood oo waawayn oo ay kamid yihiin in caalamka la tuso in dadka wada ku nool Degaamada kala duwan ee Itoobiya ee ku dhisan nidaamka federalismka ay iskood u xalin karaan dhibaatooyinkooda oo aynan cidna ka sugin iyo mida labaad oo ah in la sii xoojiyo habka federalismka oo ku dhashay halgan balaadhan oo lala galay nidaamyadii hore ee ka talin jiray dalka.

Si kastaba ha ahaatee kulankan maanta ayaa dadkii ka qeyb galay ay inbadan u bogi waayeen hadaladii ka soo yeedhayay madaxdii goobtaas ka hadashay, iyadoo dhammaan laga wada sinaa in Itoobiya ay wada jirto hal mid, isla markaana lagu wada noolaado hab fadaraal ah sida haatan jirta, taas oo meesha ka saaraysa yididiilo laga qabo in Degaankan uu ka go’o Itoobiya inteeda kale sida ay u ololeynayaan Ururada Nabadda qaatay ee UWLSF iyo ONLF.

Jigjiga
Kilil5.com