M/weynaha DDS Cabdi Iley oo amar ku bixiyay in Shaqaalaha Dawladda laga qaado faraha
Jigjiga (Kilil5). Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha DDS Cabdi Maxamed Cumar ayaa lagu sheegay in dhammaan Shaqaalaha Xafiisyada DDS laga qaado faraha, si uu Madaxweynuhu u diiwaangashado macluumaadka Shaqaale kasta oo ka shaqeeya Xafiisyada DDS.
Amarka uu soo rogay Madaxweynuhu ayaa taabanaya Shaqaale kasta oo DDS u shaqeeya, heer Wasiir ilaa shaqaalaha kan u hooseeya, waxaana la sheegayaa in Xafiisyo badan ay ka billaabantay fara ka qaadista Shaqaalaha.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Shaqaalihii diida ama ka soo horjeesta arrintan in uu shaqadiisii sidaas ku waayayo, waxaana inbada oo ka shakiday fara ka qaadistan qasab ku noqotay iyagoo shaqadooda ilaashanaya inay faraha iska qaadaan.
Waa mid ku cusub Xafiisyada DDS in shaqsi kasta oo shaqaale u ah DDS laga qaado faraha, iyadoo wali aan la sheegin macnaha rasmiga ah ee laga leeyahay in shaqaalaha laga qaado faraha. Waxaa taas dheer in shaqsigii marka faraha laga qaado in isla markaa laga qaadayo Sawir oo farihii iyo sawirkii la isku lifaaqayo sidaasna loogu gudbinayo Madaxweynaha DDS Cabdi Iley.
Lama oga waxa uu Madaxweynuhu uga danleeyahay fara ka qaadistan shaqaalaha, balse waxaa loo malaynayaa in uu si gaar ah ugu diiwaangashanayo isagu Shaqaalaha, isla markaana xogtooda uu si toos ah ula soconayo.
Tallaabooyinkani waa mid gooni u ah Xukuumadda uu hadda Cabdi Iley hoggaaminayo, waxayna inbadan dad ku arrintan u arkeen in durba uu Cabdi Iley gacan bir ah ku qabanayo Shaqaalaha DDS, waxayna tani qeyb ka noqonaysaa arrimihii Cabdi Iley lagu yaqaanay ee ay kamid ahayd qofka oo faraha laga qaado.
Jigjiga
Kilil5.com



IslamOnline





















