Degmada Dhanaan oo loo ansixiyay Dugsi sare
Dhanaan (Kilil5).Wasaaradda Waxbarashada ee Degaanka Soomaalida ayaa qorshaynaysa in Dugsi sare laga dhiso magaalada Dhanaan, Wasaaradda ayaa Warbaahinta Degaanka u sheegtay inay Degmada Dhanaan ka hirgalinayso Dusgi sare oo ay Degmadaasi yeelato, waxaana lagu wadaa in sannadka soo socda ee tirsiga Itoobiya laga hirgaliyo Degmada Dhanaan Dugsi sare.
Arrinta lagu dhisayo Dugsiga sare ee Dhanaan yeelan doonto ayaa waxaa ka soo shaqeeyay Jaaliyaadka dibadda ee Degmada Dhanaan u dhashay iyo waliba Mashruuca hormarinta Waxbarashada Dhanaan oo Guddoomiyaha Mashruucaasi Yuusuf Aden Xasan uu sheegay inuu Warqaddii Ansixinta Dugsigan uu hadda gacanta ku hayo.
Warqaddan oo kasoo baxdey Xafiiska Waxbarashada ee DDS ayaa waxaa lagu xusey in hadda kadib ay magaalada Dhanaan leedahay dugsi sare isla markaana ay xaq u yeelan doonto waxii miisaaniyad ah oo dugsiga sare leeyahay.
Yuusuf Aadan Xasan oo ku sugan Caasimadda Deegaanka Soomaalida ee Jijiga oo aan wax ka weydiiney arintan muddo yar kadib markii uu warqaddan gacanta ku dhigey ayaa yidhi" Maanta waa Maalin Taariikhi ah oo usoo hoyatey Dadka reer Dhanaan ee hormarka jecel, waxaana Illaahay Mahaddii ah in maanta Magaalada Dhanaan ay leedahay Dugsi Sare oo Sharciyeysan waxaana mahad balaadhan u celineyaaa Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Mudane Cabdi Maxamuud Cumar, iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada oo si wanaagsan noogu fududeeyey Sharciyeynta Dugsig sare ee Dhanaan, Sidoo kale waxaa mahad aad u weyn oo aan la koobin karin u celinayaa dhamaan xubnaha Jaaliyadda Dhanaan ee dibadda ku nool kuwaasoo si hagar la aan ah uga qaybqaatey dhisidda Dugsiga sare ee Dhanaan."
Hirgalinta iyo Sharciyeynta Dugsiga Sare ee Dhanaan ayaa ku timid dadaalkii aan dhamaadka lahayn ee jaaliyadda Dhanaan ay ka geysteen hormarka waddankooda waxeyna qayb weyn ka qaadan doontaa dadaalka hormarka ee waddanka guud iyo gaar ahaan midka magaalada Dhanaan.
Waa markii u horeysay ee Degmada Dhanaan yeelato Dugsi sare, waxaana hawsha hirgalinta Dugsigan sare soo dhaweeyay dhammaan Shacabka ree Dhanaan ee ku kala nool dunida meelo badan. Magaalada Dhanaan waa magaalo aan lahayn Adeegyada kale ee Bulshadu u baahan tahay sida Korontada iyo Telefan xaafad walba gashan, waxayna Shacabka ree Dhanaan ku rajo weyn yihiin in Degmadoodaasi ay yeelan doonto mustaqbalka dhaw dhammaan Adeegyada ay bulshadu u baahan tahay.
Dhanaan
Kilil5.com



IslamOnline





















