Soodhiska kabineedka Cusub iyo Talada Shacabka Xukuumada Madaxwayne Cabdi Maxamed Cumar-Faalo

Submitted by webmaster on Sat, 2010-07-17 07:19
Jul 17 2000

Jigjiga (kilil5)--Waxaa xalay ku soo gabagaboobay magaalada Jigjiga Shirwaynihii 6aad ee XDSHSI oo maalintii shalay ahayd ka bilaabmay Aqalka Shirarka ee Sayid Maxamed Cabdule Xasan. Kalafadhigan Xisbiga ayaa lagu dhisay gudiga golaha dhexe ee xisbiga oo kakooban 47 xubnood, gudiga ugu awooda badan siyaasada deegaanka gudiyada xisbiga talada haya waa gudiga fulinta oo ah gudiga iskaleh awood kaqaadista madaxwaynaha deegaanka oo iyana loodoortay 13 xubnood iyo gudi cusub oo loogu magac daray gudiga dabagalka iyo baadhista oo kakooban 5 xubnood. Magacyada xubnaha gudiyadan waxaad kaheli kartaan wararka shabakada ee hore. Doorashadii xubnaha kaladuwan ayaa waxay u dhacay si xornimo iyo dimuqraadiyad ah oon horay Xisbiga looga baran.Waxaa kalsooni galin leh qaabka iyo habsamidii doorashii wadanka ee bishii shanaan sanadkan deegaanka Somalida kadhacday iyo doorashadii xisbiga kalafadhigiisii 6aad, sida xoriyada iyo dimuqraadiyada ah ay u dhaceen.

Hadaba,iyada oo dhamaatay fadhigii 6aad ee XDSHSI ayaa hada wixii ka dambeeya madaxwaynaha cusub Cabdi Maxamed Cumar laga dhowrayaa inuu soodhiso golaha dawladiisa wasiirada. Magaalada Jigjiga ayaa intii uu dhamaaday shirwaynihii shalay waxaa kajira kala orad iyo loobin farabadan. Siyaasiyiinta, odayaasha iyo kaabo qabiilka ayaa wada dadaal wayn oo lagu raadin siday uga dhexmuuqan lahaayeen ama shaqsiyaadka ay jecelyihiin loogu soodari lahaa magacyada kabinetka cusub iyo xubnaha sarsare ee wasiirada wasaaradaha uga hoosayn doona.Shacabka Ismaamulka Soomaliyeed ayaa waxuu aad ugu hanwaynyahay in madaxwaynaha cusub soodhiso dawlad tayo,aqoon iyo waxtar leh oo u adeegta danta guud ee shacabka xalinkartana baahida horumarineed iyo abuurka maamul suuban. Shacabka deegaanka ayaa uga fadhiya madaxwayne Cabdi Maxamed Cumar inuushoodhiso:

1- Dawlad cadaalad ah oo matasha dhamaan beelaha ismaamulka.Soodhiska dawlad ay beeluhu kawada muuqdaan ma’aha macnaheedu in madaxwaynu kasoobuuxiyo golaha wasiiradiisa shaqsiyaad qabiil lagu sooxulay oon tayo iyo aqoon lahayn ee waxaa weeye in madaxwaynuhu kazoo xulo beelkasta shaqsiga ugu aqoonta badan, ugu kartida badan, shaqsiga aan aqoonin musuqmaasuqa,qabiilka iyo shaqsiga ugu cadaalada badan.Waxaa loobaahanyahay in shaqsiyaadka wasiirada qabiilkasta oo lagasooxusho noqdaan shaqsiyaadka isku darsaday aqoon,karti,aaminaad,cadaalad iyo wadaninimada.Deegaanka Soomalida ayaa waxuu hada leeyahay aqoonyahan beelkasta leh oo madaxwaynuhu ka xulan karo shaqsiyaadka ugu kartida iyo daacadnimo badan.Sidoo kale, Madaxwayne Cabdi Maxamed Cumar ayaa loobaahanyahay inuu wakhtigiisa qaato sidii uu usoo dhisi lahaa dawlad kakooban aqoonyahan karti,iyo aqoon leh iyo sidii u fiirin lahaa shaqsiyaad kabaxsan xukuumadihii Da’ud Maxamed iyo Cabdullahi Xassan Lugbur.Siyaasada deegaanka ayaad moodaa inay kusoonoqnoqan hayaan shaqsiyaad kooban (recycling the same individuals) iyada oo sababtay musuqmaasuq,karti, furfurnaan maskax la’aan (creativity) iyo xulufaysi awood.

2-Si lugaha loogu siibo musuqmaasuqa hortaagan horumarka iyo horusocodka ismaamulka deegaanka,si buuxdana nidaam suuban cidhbaha loogu aaso, waxaan kulatalinaynaa madaxwaynaha in dhamaan golaha wasiirada ee uusoodhisayo ay diiwaangaliyaan si muuqata ooy ku dhawaaqaan hantida shaqsiyan iyo mida eheladooda dhowdhow. Ku dhawaaqista iyo diiwaangalinta hantida golaha wasiirada iyo dhamaan madaxda sarsare ee wasaaradaha deegaanka ayaa waxay suura galinaysaa ladagaalanka musuqmaasuqa iyo soocelinta hantida dadwaynaha ee sida xaqdarida lagu dhaco.Ladagaalanka musuqmaasuqa iyo ilaalinta hantida shacabka waa inay noqotaa mas’uuliyada labaad ee ugu way madaxwaynaha marka lagasooreebo nabadgalyada.Deegaanka Soomalida oo miisaaniyada sanadkan looqorsheeyay ay gaadhayso 2.3 billion birr ayaan awoodi Karin musuqmaasuq iyo afmiinshaarnimo lacago lagu dhunsado baahida horumar ee kajirta deegaanka iyo saboolnimada shacabka deegaanka oo gaadhsiisan boqolkiiba 98%.

3-Waxaa looga baahanyahay in dawlada cusub inay wax kabadasho qaabka lagu bixiyo qandaraasyada dawlada deegaanka oo noqotay qaabka ugu wayn ee lagu dhaco miisaaniyada sanadkasta iyo hantida shacabka. Waxaa dhaqan ah in shirkadaha qardaraasyada deegaanka ka qaata ay xiriir hoose laleeyihiin madax xafiiseedyada iyo wasiirada wasaaradaha deegaanka,xiriirkan oo ah mid wax wadacun ah. Xiriirkan shirkadaha qandaraasyada qaata iyo madaxda sare ayaa sababay dabagal la’aanta fulinta mashruucyada deegaanka iyo dib u dhaca xiliga lagufilin lahaa mashruucyada. Sidoo kale, mas’uuliyiin tiro badan ayaa magacyada eheladood kudiiwaangaliya shirkado dawlada qandaraas kaqaata deegaankana dibic dhac wayn u keenay.Waxaa loobaahanyahay in qandaraasyada dawlada lasiiyo shirkado kasoobixi kara miisaaniyad ay kuqabtaan qandaraasyada ay codsanhayaan dawladuna lacagta u shubto marka ay shirkadu dhamaystirto qandaraaska lasiiyay sida dhaqan u ah dawladaha nidaamka suuban uu kajiro iyo qaabkan oo ah sida ay dawlada dhexe ee Itoobiya ay kumaamusho qandaraasyada.Waxaa kaloo muhiim ah si looxoojiyo tayada iyo nacfiga mashruucyada, in qandaraasyada kalabadh lasiiyo shirkadaha caalamiga,shirkadahan oo si degdeg u filin kara mashruucyada farsamana kusookordhin kara deegaanka.

4-Waxaa looga baahanyahay madaxwayne Abdi Maxamed Cumar inuu wax kaqabto baahida horumar la’aan ee kajirta deegaanka Raaso iyo sidii deegaanka loogu samayn lahaa maamul siyaasadeed oo shacabka deegaanka kaqaybgaliya siday uga qaybqaadan lahaayeen siyaasada deegaanka iyo waxqabadka horumarka.Shacabka deegaanka ayaan ka qaybgalin labadii doorasho ee wadanka Itoobiya iyo Ismaamulka Soomalida kadhacay 10kii sano ee tegay waxaana eeda iskaleh xukuumadihii hore oo iska indhatiray iyo liidashiib la’aan.

5-Waxaa Madaxwaynaha lagafilayaa inuu siixoojiyo dadaalka nabada ee bilawday xiligii madaxwayne Da’ud Maxamed Cali.Xukuumada cusub ayaa mudan inay siiwado wadahadalka garabka Jabhada ONLF een wali naba qaadan iyo inay latimaado qorshe cusub oo dardargaliya wadahadalka hoose ee hada usocda dawlada dhexe iyo garabka Jabhada ONLF ee uu hogaamiyo admiral Mohamed Osman.Nabad iyo xasilooni buuxda oo deegaanka kahirgala waxay udbaha u taagi nidaam siyaasadeed oo hirgaliya horumar shacabku kaga bixi karo saboolnimada,jahliga,daryeel la’aanta caafimaadka iyo soojiidashada shirkadaha caalamiga ee abuuri kara shaqooyinka shacabka iyo wadanku ubaahanyahay. Waxaa sidoo kale loobaahanyahay inaysan noqonin ama aan laga dhiganin maraanmarsiiyo iyo wado lagu dhunsado hantida shacabka wadahadalka lagula jiro ururada sooxarooday iyo nabad raadinta.Waxaa shacabka iyo deegaanka dani ugu jirtaa in run laga ahaado wadahadalka iyo doonista nabada dhamaan dhinacyada ay khusayso.

Ugu dambayntii, madaxwaynihii hore Da’ud Maxamed waxuu aad wax ugaqabtay ladagaalanka musuqmaasuqa,nidaamka suuban iyo qaarsiinta dawlada deegaanka dhamaan baaxada deegaanka.Sidoo kale, xukuumadii hore waxay hirgalisay tayada shaqada xafiisyada iyo shaqaalaha deegaanka.Waxuu kaloo Da’ud maxamed kuguulaystay inuu kuqasbo dawlada dhexe inay kasoobaxdo xilkeeda iyo kaalinteeda waxaana markii ugu horaysay ay wasaaradaha iyo hay’adaha dawlada dhexe ay guteen xilkooda ku aadan deegaanka Soomalida waxaana looga fadhiyaa dawlada Cabdi Maxamed Cumar inay siilabanlaabto dadaalkii xukuumadii hore iyo waxqabadkeedii.

Jigjiga,
Kilil5.com