Shacabka magaalada Jigjiga oo ka cabanaya qaabka ay u helaan Taysarooyinka iyo Waraaqaha Sharciyaynta guri ama dhul

Submitted by jawharyare on Wed, 2010-07-07 09:47
Jul 7 2000

Jigjiga (Kilil5). Shacabka ku nool magaalada Jigjiga ayaa cabashooyin badan waxaa ay kamuujiyeen Dawladda hoose ee magaalada Jigjiga, dadkan ayaa waxay ka cabanayaan qaabka ay u helaan Taysarooyinka kuwaas oo lagu dhibo isla markaana waji garasho un lagu bixiyo inbadan.

Ninka haysta Dawladda hoose ee magaalada Jigjiga qeybta Taysarooyinka oo lagu magacaabo Dayib ayaa la sheegayaa in uu dadka ku dhibo siday u heli lahaayeen Taysaro, waxaana la sheegayaa in uu inbadan meermeeriyo, ama marmarsiinyo kale sheego, taas oo ay dhici karto inaysan waxba ka jirin.

Dawladda hoose ee magaalada Jigjiga ayaa waxaa yaalla faylal badan oo qaarkood dadkii lahaa ay dhici karto inay Adduunka ka tageen, qaarna iskaga caajiseen markii lagu raajiyay Taysarada. kuwaas oo marka dambe qashinka la iskaga qubo. sidaasna ku lumaan faylashii.

Sidoo kale Dawladda hoose ee magaalada Jigjiga ayaa Aqoonsiyada ku bixisa waji garasho, haddii aan lagu garanayn amase aanad ahayn nin sifiican loo yaqaano waxaa dhici karta in wakhtiyo badan aad sugto Taysrada, haddii lagu gartana aad ku helaysid Taysaradii wakhti aad u yar.

Haddaba Shacabka magaalada Jigjiga ayaa arrimaha noocan oo kale ah aad oola dhiban, kaliyaata ma aha Taysarada waxaa jira waxyaabo badan oo haddii ay Dawladda hoose ee Jigjiga kaaga xidhmaan aad ku daalaysid ku rafaadaysid, isla markaana ay dhici karto in aad ka caajisto, sidaasna iskaga dhaaftaba.

Shacabku waxaa uu u baahan yahay wax u adeegga isla markaana si fudud ugu shaqeeya, Dawladda hoose ee Jigjiga waa Xafiiska ay ka fulaan waxyaabo badan oo danta Shacabka ah, iyadoo ay inbadan Dawladda hoose ee Jigjiga u adeegto Shacabka haddana waxaa jira dhaliilo badan oo dhanka adeeggaas ah siiba Taysarooyinka, Waraaqaha sharciyaynta guri ama dhul. waxaa jira guryo badan oo aan wali helin sharcigii guriga ama warqadda loo yaqaano xujada guriga, taas oo markii xaqlihii gurigaas lagu adkeeyay sharcigii amase la meermeeriyay uu iskaba daayay. ma yara guryaha iyo dhulalka lagu dhibo siday u heli lahaayeen warqadda sharciga ama xujada ee aan wali helin warqaddii xujada.

Shacabka ree Jigjiga waxay rajaynayaan in Xukuumadda cusub ee dhawaan la dhisayo in wax badan laga badalo Dawladda hoose oo la keeno kuwo Shacabka u fududeeya wax kasta oo ay Dawladda hoose uga baahdaan.

Jigjiga
Kilil5.com