Shacabka magaalada Jigjiga oo cabasho kamuujiyay Korontada oo maalmahan joogta uga tagta magaalada

Submitted by jawharyare on Sat, 2010-06-26 12:07
Jun 26 2000

Jigjiga (Kilil5). Shacabka ku dhaqan magaalada Jigjiga ayaa cabasho ka muujiyay Adeegga Korontada oo labadii maalmood ee aynu soo dhaafnay magaalada ka go'da. dadka Ganacsatada ah ee leh Warshadaha iyo Adeegyada kale ee inta badan Korontada ku shaqeeya ayaa aad uga cawday Korontada sida joogta ah uga tagta magaalada, iyagoo hawlahoodii ganacsi ee ay Shacabka u fidinayeen hakad galiyay Korontada daqiiqad daqiiqda uga go'aysa magaalada Jigjiga.

Haddaba dadka leh meelaha badanaa ku shaqaysta Korontada sida Internet Cafe-yada, Warshadaha soo saara Daqiiqda, iyo meelo kale oo badan ayaa saameyn weyn ku yeelatay hawlahoodii shaqo, iyagoo badanaa shaqadii dhexda kaga jira ay Korontadu kaga go'do. sidaasna shaqadii kaga joogsato. dhinaca kale dadkii iyaguna ku shaqaysanayay qalabka Kombuyuutarka ayaa la sheegayaa in meelo badan ay ka gubteen Kombuyuutaradii kaddib markii Korontadu kaga go'day iyagoo shidan oo isticmaalaya.

Korontada ka tagta magaalada Jigjiga ayaa waxaa ugu dambaysay waa hore, wakhtigaas oo si joogto ah uga tagi jirtay Korontadu magaalada muddo dhawr bilood ah, waxayna dadku ilaaween Koronto ka tagta, iyadoo hadda Korontadan tagaysa aan wali la ogaan waxa sababay ee ay u tagayso Korontadu. iyadoo badanaa xilliyada Korontadu tagto magaalada oo dhan ay madaw noqonayso, goobihii shaqadana ay fadhiisanayaan oo ay Shaqo la'aan ku dhacayso.

Jigjiga
Kilil5.com