Miisaaniyad Lacageed oo Dhanayd 40 Million oo Birr oo Markuu Muran Kadhacay Laga Wareejiyay Deegaanka

Submitted by webmaster on Mon, 2010-04-12 07:12
Apr 12 2000

Jijiga(Kilil5)---Miisaaniyad lacageed oo dhanayd 40 million oo birr oo
loogu talogalay horumarinta biyaha deegaanka ee mashruuca WASH oo uu
fulin jiray xafiiska biyaha iyo khayraadka dabiiciga ayaa loo wareejiyay
deegaano kale. Mashruucan horumarinta biyaha oo uu bixinjiray xafiiskani
ayaa kontaraad lagusiin jiray konsaltaantiyada deegaanka si ay ufuliyaan
ugana faa’iideeyaan umada. Waxaana mashruucan looga faa’iidaysan jiray
dhinacyo kala duwan kuwaas oo ay kamid ahaayeen Biyaha, Caafimaadka,
Waxbarashada iyo tababaro la xidhiidha arimaha bulshada.

Sanad miisaaniyadeedkan 2002 ee tirsiga Itoobiya ayaa deegaanka loogu
kordhiyay 18 degmo in ay ka faa’iidaystaan mashruucan kuwaas oo ay kamid
ahaayeen degmooyinka Gursum, Xarshin, Gaashaamo, Shilaabo, Aware, Erer,
Filtu, Sagag, Garbo, Jarati, Qalaafo iyo kuwo kale. Hadaba kadib markii
konsaltaantiyadii ay u tartameen mashruucan isla markaana 3 kamid ahi ay
kuguulaysteen min 6 degmo in ay ka fuliyaan mashruucan ayaa sida
lasheegay qaar kamida konsaltaantiyadii laga guulaystay ay warbixin u
soo gudbiyeen xafiiska madaxwaynaha dawlada Deegaanka iyaga oo sheegay
in konsaltaantiyadan kuguulaystay mashruucan ay salka kuhayaan
nabadiidka isla markaana ay uga faa’iidaynayaan kooxahan qaar kamida
shaqaalaha xafiiska biyuhuna ay gacan kasiiyeen konsaltaatiyadani in ay
ku guulaystaan.

Madaxwaynaha DDS mudane Daa’uud maxamed ayaa isla markiiba taleefan
kula xidhidhay madaxa xafiiska biyaha, Macdanta iyo Tamarta amarna
kusiiyay in uu kansalo ama joojiyo mashruucan isla markaana aan dib
looga fulin deegaanka. Mashruucan oo heer faderaal ahaa ayaa ayaa war
qarsoodi ahi sheegayaan in loo wareejiyay deegaan gale kadib markii
deegaanka somalidu ay ka faa’iidaysan waayeen.

Hadaba sida uu wararka qaar sheegayaan waxaa talada mashruucan la
hordhigay Golaha kaabineedka sidii loo maamuli lahaa lacagahan laga
joojiyay Mashruuca halkaas oo sida lasheegau uu goluhu isku khilaafay
sidii loo maamulilaha kadib markiiu Hogaanka Nabadgalyad iyo arimaha
cadaaladu mudane Cabid Maxamud cumar (cabdi Ilay) uu soo jeediyay in loo
isticmaalo hawlaha nabad galyada halka xafiiska madexwaynuhuna soo
jeediyay in Biyo galin lagu sameeyo. Hadaba warar Qarsoodi ah ayaa
sheegaya dhamaan lacagtaas oo ahayd deeq uu bixin jiray World Bank
loowareejiyay Gobalka Tigray halkaas oo uu kasocday mashruuc kan lamid
ahi. Sidookale waxaa albaabada loolaabay shaqaalihii mashruucan oo aad u
tirobadnaa degmooyin badana ka hawlgali shiray, waxaa sidookale
lasheegayaa in mushaaraad loo la’yahay shaqaalihii uu mashruucani
kawareegay sidookalena aan lahayn lacagtii lagu bixinlahaa daymihii lagu
lahaa mashruucan ee kasoo wareegay sanadkii hore ( ongoing projects).

Jijiga
Kilil5 Online