Qaybta kowaad ee taxanaha qisada Yaa!
Madashu waa xarunta iyo xafiiska qurbajoogta u dhalatey DDS ee ku yaal caasimada dalka Sweden ee Stockholm oo ah magaalada lagu tilmaamo in ay ku hogaamiso bilicda iyo balaarkaba magaalooyinka kaladaran ee sidooda aduunku ku cawrya habsamaan tooda dhisme iyo tooda dhaqaaleba ee bahwadaagta Skandnevian ka.
Maalintuna waxay ahayd sabti bisha janawarina todoba iyo toban sanadkuna waa kan aan ku jiro ee labada kun iyo tobanka guud ahaan qaarada yurub iyo gaar ahaan Skandenevianka waxaa sanadkan ka da’ay baraf aan marna erey lagu cabiri karin oo aad u badan meelaha qaar wuxuu dhulka ka kacsan yahay ilaa hal mitir magaalada Stockholm een daganahayna waxa culimada cilmiga hawada ku xeel dheeri sheegeen in baraf kan oo kale da’diisu mudo shan iyo labaan sano ka hor ah ugu danbeeysey waa hadii uu sidan ku hakada’e hadiise uu ka sii daro waxay noqon doontaa in uu madaha kordhiyo oo halbeeg cusub oo kasii badan dhigo oo taariikhda waliba dib u sii riixo lana yidhaa mayee wakhtigaas ayaa baraf kan oo kale da’idiisa ugu danbeysey.
Guud ahaan qaybtan aan caalam ka kaga noolahay adeega gaadiidka hadey tahay diyaarad, tareen, gaadhi iyo dhugdhuleyba aad buu dhaq dhaqaaqoodu u yaraadey safaro badan ayaa hadba dib u dhacaya oo sabuuradaha garoomada diyaaradaha, kuwa faras magaalaha tareenada iyo kuwa buqcada basasku kabaxaan kuyaalba si isdaba jooga ayeey sacaadihii horey ugu qornaa ee jadwalka ku jirey isu badalayaan.
Funaanadaha dhogorta dhaxanta celisa laga sameeyey, koodhadhka cul culus, koofiyadaha dunta goonida ah laga toley, kabaha ilaa iyo kubabka soo dhaafa, iyo cimaamadaha qoorta lagu duubto oo intaba loogu talagaley inay qaboowga qofka sita ka waa biyaan waxay noqdeen kuwo aan cidlada waxba dhaamin oo dhalintii iyo dhalaan kiiba iyaga oo intaba ku shaqlan ayeey hadana qabow iyo qadhqadhyo ilkaha isla dhacayaan.
Dad badan oo ehelkood, aqrabadood iyo asxaabtoo dii ay jeclaayeen in ay soo dhaweeyaan goobahas u tagey waxaa jaah wareeriyey qabowga aan caadiga ahayn ee gaadhey (-20) laga jarey labaatanka kana hooseeya qabow gii ay intooda da’yarta ahi cimilada uga barteen ayeey u dheertahay murugta ku taagan ee wajigooda ka muuqata iyaga oo ka murgaya inay nabad kula kulmaan mahuraan kooda ay ubaxa soo dhaweynta u soo qaadeen.
Ayaamahan oo dhan aroortii inta aan guryaha laga soo bixin ayeey shaqaale aad u carbisan oo markaad aragto qalabka ay xidhan yihiin iyo gawaadhida gaashaaman ay wataan cidamo kamaan dows ah ay weerar culus ku soo qaadaan wadooyin ka gaadiidku maro iyo kuwa xaafadaha dhax dooda ah ay dadku maraanba si ay uga fududeeyaan barafka culus ee habeenimada buuxiyey cariga si ay ugu sahlaan dhaq dhaqaaqa shaqaalaha iyo ardeyda arootii hawlahooda u cararaya.
Waxay dad badani aroortii salaan mahadnaq badani ka muuqdo ku salaamaan shaqaalahaas iyaga ah oo markey barafka wadooyinka sida caratuusha u yaal ka qaadaan jagac sinbirixada ka celiya ugu daadiya jidadka guryaha la daganyahay ka soo xaba si dadka hawlahooda u sii hadaafaya uga fakadaa kuftimaha sanad walba dad badan dhaawaca culus soo gaadhsiiya ama hadii aan sida kale u dhigno dhaqaalaha badani kaga baxo daaweynta iyo daryeelkooda marka laga reebo tiiraanyada iyo tabaal la wadaaga ehelkood, asxaabtoo iyo inta iyaga jecelba ay la wadaagayaan hadu dhaawac kuftimeed xuni ku dhaco amase tan ugu yar oo ah baaqshada cashuurta wax soo saar kooda ee ay qasnada qaranka u soo hoyn lahaayeen.
Waxaase la yaab leh cimiladani ma aha mid aduuyadu la wada qabto oo meelo badan oo cara edeg ka mida ayeey da’yarta ku dhaqani garamo khafiifa dibadaha ku maraa kuwo badanina biyo diirimaad badan ayeey ku dabaashaan kuna raaxeystaa falaadhaha cadceeda ee agtooda iyo oogadoodaba ku dhacaysa waxaase suura gal ah inaysan raaxadaas iyo reynreyntaas u goonida ah aysan siday tahay ugu dhadhamin oo ay u qabaan inay tahay wax qof kasta iyo meelkasta taas oo kale lagu haysto.
Inkasta oo aniga qudheydu aan kuwaas ka mid ahaa oo maalmo yar oo afar iyo sadax maalmood ka hor aan la joogey ahada waxaan ahay mid la wadaaga cimiladan qaska, qoyaanka iyo qabowga badan ee reer Stockholm ku jiraan.Markaan garoonka ka soodagey ayaan aad ula yaabey farqiga u dhaxeeya dirimaad kii aan laba iyo toban saacadood ka hor ku jirey iyo qabowgan la yaabka badan iyo barafkan banaanka dhooban een ka soo dul dhacay.
Waxaa igu soo dhacdey in ilbaxnimada iyo horumarka degaankan laga gaadhey ee cilmiga iyo farsamada waxyaabo badan oo nolosha la xidhiidha wax ka badashey ee meel sanado aan u socon lahaa hadii aan ku soo safro lug, faras, doon, markab, iyo baabuurba ku soo koobtey wakhtiga yar ee diyaarada hawada sida fudud u soo jibaaxdey lagu alifay uusan wax badan ka badali karin cimiladan layaabka leh ee noloshii bulshada culeyska weyn saarey.
Balse runtu riyada wey ka duwan tahay oo waxaan noqdey mid ka midda kuwey karadha barafku dhabanada ka garaaceysey ee dhan kasta ay u jeedsadaan wax dhowr mitir oo hortooda kabadan waxa taagan aan arkeynin inta badana iyaga oo runduda socodka cabsida inay sinbirixdaan ay sixun u hantaaq maana ka buuxdey hadana ku qasbanaa inay talaabada boob siiyaan si ay u higsadaan dugaal ay kaga gabadaan hadey tahay meel ay gaadiid ka raacaan, goob shaqo ama guryahaya ay dagan yihiinba.
Maalmaha todobaadka la shaqeeyaa waxay maalmaha fasaxa ah kaga duwan yihiin xaaqida oo aroorta hore la xaaqo dhamaan meelaha dadka iyo gaadiidkuba maraan balse maalmaha fasaxa ah taasi sidaas uma dhacdo oo hadiiba barafka lagaxa baneeyo wadooyinka waaweyn ayeey mahadi joogtaa oo inta badan waxaa la arkaa dadka oo xhax jibaaxaya baraf aad carcartiisa iyo cadaantiisa aad xoor geel admoodo oo jilbaha u gaadha dhax jibaaxaya salaan iyo sheeko badana uu san cidkaleba ha hadhee darisku isdhaafsaneynin ee nafle waliba tiisa la harjadayo.
Taasina waxay ahayd mid aniga qudheyda ila soo gudboonaatey oo aan la daalaa dhacay maalinimadii sabtida ahay ee todobiyo tobankii bisha janawari ee sanadkan labada kun iyo tobanka markii aan gurigeyga goor saacad ahaan casar ku beeg naan lahayd cadi ahaanse fiid u ekeyd oo mar hore cadceeda markii horeba aan muuqanini nuurka gabtey oo barafka cad ee dhulka yaala nuur kiisa naftu iftiin ku kahaysey.
Himiladeyda oo ahayd in aan gaadho xarunta iyo xafiiska bulshadeena ka soo jeeda degaan keena somalida ethiopia ee guud ahaan sweden iyo gaar ahaan Stockholm dagan oo nasiib wanaag ii jirta meel marka cimiladu roontahay oo sidan aysan ahayn aad iiga fogey oo wax rubuc saac ka yar aan ku tagi jirey ayaa maalikaas iga qaadatey wakhti kaas laba jibaar ka badan.
Inkasta oo aan aad uga gaashaantey oo hu iyo heeryo badanba sii xidhey inta aanan gurga ka soo bixin hadana ma aysan noqon kuwo dugsigii iyo diirimaad kii aan ka filayey ka helo oo anoo si u beer qaadaya ayaa safar kii iyo socdaal kii yaraa la sii daalaa dhacay oo anoo beer qaadaya oo hunbulan aan xaruntii si madax madaxa isugu tuurey goor ay saacadu ku beegan tahay shantii galab nimo.
Karadhii barafkii da’ayey een soo dhaxmarey aniga oo la dardhanaya oo xaaxda iga baxaysa aad yaabto koodhka aan gashanaa iyo kofiyada aansiteyba xumbadii barafk dahaadhey aan ka jafayo ayaan isa soo dul taagey koox aan aad u kaftano oo cabaar intay iga soo horeysey dirimaad kuleyliyaha guriga ky jiraa dhaxanta ka kiciyey si dagana qosol iyo sheeko googoos ahi ugu socoto ood moodo inaysan la socon waxa banaaka ka dhacay in kasta ay mara an saas u si dheereyn ugu danbeysey socod kii gurguuradka u ekaa ay ku soo jiidheen jidadka barafku buuxiyey.
Salaan iyo jawaab teed kadin waxaan bilaabey in aan dharkii faraha badnaa een watey aan sudho meesha loogu talagaley in dharka dusha laga qaato kadibna dib ayaa ugu soo jeedsadey kooxdii aan u soo galey balse waxay in dhahaygu mar kiiba ku dhaceen dhowr ka mida ood moodo inay su’aalo badan ila sugayeen in ay i weydiiyaan ama wax markaa aanan garan ay damacsan yihiin inay iga wareystaan.
Saaxiib key Cali ayaa hadal kii ku hormarey oo iweydiiyey ayaamahan halkii aan ku maqnaa oo i yidhi saaxiib xageed ka dhacdey mudo badan ayaa igu kaa danbeyseye wuxuuna ku darey? qosol yar inta aanan su’aashii uga jawaabin ayuu hadal kiisii sii watey uu yidhi saaxiib ma waxaad ku jirtey kooxdii barafku guryaha ku xidhey ee soo bixi weydey? Aniga oo ilka cadeynaya ayaan si fudud ugu jawaabey saaxiib jigjiga ayaan ku maqnaa halmar ayeey dhamaantood soo jeedsadeen iyaga ood moodo in ereyga dhagahoodu maqleen aysan iga fileyn wajigoodana uu yaab iyo amakaag ka muuqdo sida ay idhahooda u fureena aad moodin kuwii aan daqiiqadaha yar u soo galey balse anigu si fiican uma baraarugin ilaa sidii koox fanaaniin ah oo hees ay aad u jecelyihiin wada qaadaya oo isla jiibinaya ay hal mar isla heleen iayaga oo leh yaa!! YAA!! L A S O C O - Q A Y B T A - L A B A A D !
QORE
Cabdixalim Sh. Yusuf
Warancade_@hotmail.com
srscommunity@yahoo.com



IslamOnline





















