Xisbiga SPDP Ee Talada Deegaanka Haya oo Shaaca ka Qaaday Tirada Xubnaha U Matali Doona Doorashada
Xisbiga Dumoqraadiga Shacbiga Soomaalida Ayaa Shaaca Ka Qaaday Tirada Xubnaha U Matali Doona Doorashada Wakiilada goloyaasha baarlamanka heer qaran & heer deegaan.
Warkani oo uu shaaca ka qaaday Madaxa Arimaha Xisbiga Mudane Ilyaas Cumar ibraahim ayaa sheegay in uu xisbigu soo xushay 206 xubnood oo matali doona labada gole ee golaha wakiilada shacabka ee heer federal & golaha baarlamanka deegaanka soomaalida.
Kuwaas oo lagu xushay kartidooda & aqoontooda, aaminaad buuxdana xisbigu ka qabo in ay gudan doonaan waajibaadkooda shaqo.
Mudanaha oo si wata hadalkiisa ayaa sheegay in uu xisbigu dhamaystiray diyaargarawgii loo samayn lahaa hawlaha doorashooyinka isagoo dhinaca kalena xisbigu toboboro la xidhiidha hawlaha anshaxa doorashooyinka & shuruudaha looga baahan yahay doorashada.
Wuxuuna xisbigu golaha baarlamanka ee heer Federal uu usoo sharaxay 23 xubnood halka uu 183 xubnood uu usoo sharaxay golaha baarlamanka deegaanka soomaalida.
Wuxuuna xisbigu isu diyaarinayaa sidii uu bulshadiisa uga dhaadhicin lahaa qorshihiisa siyaasadeed & kan horumarineed ee ku wajahan hawlaha doorashada isaga oo ka qayb galaya xisbigu fagaaraha doodaha kala duwan ee la la yeelan doono xisbiyada kale.
Sidoo kale mudanaha oo ka hadlay hogaaminta siyaasadeed & kan dhaqaale ee shacabkiisa ayaa sheegay inuu xisbigu sanadadii laga soo gudbay uu ka shaqeeyay hawlaha horumarinta iyo nabad galyada ee bulshada deegaanka isagoo xooga saaray kuna guulaystay inuu wax ka badalo xaalada nololeed ee bulshada xoola dhaqatada kuna guulaystay inuu shacabkiisa si hagar la’aana uga kasbado dhinacyada siyaasada iyo dhaqaalaha.
Waxa uu xisbigu ugu baaqay asxaabaha siyaasada ee ku loolamaya siyaasada & doorashada ay ilaaliyaan anshaxa iyo asluubta u yaala doorashada kaas oo ku xusan bayaanka anshaxa doorashada ee ay dhawaan kala saxeexdeen xisbiyada dalka
Ugu dambaystii, waxa la filayaa doorashada labada gole ee heer federal & heer deegaan inuu deegaanku kala qayb gali doono doorashada heer qaran oo lagu wado inay dhacayso bisha ginbood 15 keeda taas oo uu go’aamiyay xafiiska doorashooyinka heer qaran.
Xigasho:spdp



IslamOnline





















