ONLF Oo 17 Maleeshiyada degmada Baabili Gumaaday iyo Jaamicada Jijiga Oo Arday 3000 Kabadan Gashay

Submitted by webmaster on Wed, 2010-03-10 07:04
Mar 10 2000

Jijiga (kilil5)--War naga soogaadhay Tuulada Biiqa ee degmada Baabili ayaa sheegaya in kooxda mucaaradka ee ONLF ay kudishay 17 maleeshiyada degmada Baabili meesha 6 kalena ay ku dhaawaceen. Wararka ayaa intaas ku daraya inay qaateen 6 qori. Sida aan warka ku helay inkastoon noosuura galiwayday inaan ilo madaxbanaan ka xaqiijino, maleeshiyada degamada Baabili ayaa isweerka laga qabtay maleeshiyada oo ku mashquulsan qaybsiga geel ay kasoo afduubeen dad shacab oo daganaa agagaarka toga Daakhate. Magaalada Jijiga ayaa hada looga gurmaday oo ciidanka Liyuu booliska laga diray si ay uga dabatagaan Kooxda mucaaradka ee gumaadka maleeshiyada gaysatay.

Kooxda mucaaradka ayaa baryahan waxay joojisay dagaaladii fool kafoolka ahaa,iyada oo hada moodo inay kor u qaaday dagaalka gaadmada iyo jid ugalista ciidanka Liyuuga iyo gaadma Maleeshiyada degmooyinka iyo tuulooyinka yaryar jooga. Xooga iyo tayada ciidanka Liyuuga ayaa kor ukacay,waxaanad moodaa in Jabhada mucaaradka ay xeeladii dagaal iyo howlgalkeeda milatari ay wax kabadashay iyada oo yareesay iska horimaadka foolkafoolka ah ee labadii sano ee ugu dambaysay looga bartay. Tactikadan ayaa waxaa loofasiran karaa in ciidanka Liyuu Booliska kaxoog batay Jabhada Mucaaradka ama in quwadeedii militari uu hoos u dhacay iyo taageeradii militari ee ay ka helijirtay mucangaga Eritrea.

Dhinaca kale, Jaamacada Jigjiga ayaa sanadkan waxaa galay ardaydii ugu badnayd ilaa intii jaamicada la aasaasay, iyada oo tiradana ardayda jaamicada gashay sanadkan ay kor u dhaaafeen 3000 oo kakalayimid dhamaan dacadala wadanka Itoobiya.Ardayda Soomalida ee sanadkan gashay jaamicada Jijiga ayaa sidoo kale kor u kacday iyada oo tirada ardayda Soomalidu ay gaadhayso ilaa 250 arday. Xaflad wayn oo lagu soo dhawayn hayo ardayda Soomalida ee sanadkan gashay jaamicada ayaa waxaa qabanqaaabiyay ardayda Soomaliyeed ee Jaamicada dhigta.Xafladan ayaa waxaa kasoo qaybgalay madax sare oo kililka ah waxaana ka mid ahaa kuxigeenka xafiiska waxbarashad mudane C/laahi Gisile, madaxa xafiiska haweenka marwo Faadumo,madax waynaha jaamacada Jigjiga University Dr.C/naasir, wafdi kasocday Qurba joogta oo ay horkacayeen Jijiga TV ee wadanka maraykanka iyo kuwakale oo farabadan.Xafladan ayaa waxaa kamuuqdan jawi aad u furfuran iyo damaashaad waxbarasho oon horay looga baran xafladahan oo kale.

Jijiga,
Kilil5 Online