Ogaadeen ahaan oo Salaadii Jimcaha La iigu Diiday in Aan Muslimiinta La Tukadoâ€
Dhaayahaaga oo Dhul Badan Maraa Geel Dhalaayana Waa Ku Tusaan.
Waxaan ahaa 13 jir habeenkii aan Ilaahay amarkii ku riyooday ruux ii soo galay oo i yidhi "Tuko salaada". Illaa maanta alxamdulilaah waan tukadaa,walina Alle ima tusin Jin iyo insi wax salaada waswaas iga galiya. 15 jir ayaan ahaa maalintii aabahay Alle ha u naxariisto (dhowaan ayaa Hargaysa lagu dilay) uu i yidhi "Aabo waad qaan gaadhay Soonkiina waa kugu waajib noqday ee bilaw".
Shalay oo taariikhdu ahayd maalin Jimce ah 06/03/2010 ayaan u dhaqaaqay dhankaas iyo salaadi Jimce. Masaajid ka mid ah kuwa ugu waaweyn, hadii uusanba ahayn kan ugu wayn dalka Jarmalka magaalada Duisburg xadka Jarmalka uu dalka Holland la leeyahay. Masjidkaasoo ay maamulkiisa hayaan walaalo Turki ah.
Banaanka shishe ee masjidka ayaan ku kulmay 3 Ameerikaanka madaw ah oo dhawaan muslimay oo aanu aad u saaxiib nahay iyo 2 Naajeeriyaan ah. Salaan qaaliya kadib gudaha maasaajidka ayaan u sii ruqaansannay. Irrida kolkaan joognno ayaa sheekh ka mid ah masuuliyiinta masjidku uu gooni iila baxay. Salaan ayaan u taagay. Waa naxdine, gacantii ayuu dib u ceshaday, hadal boobsiis ah oo cadho kulul xanbaarsanna igu yidhi “Du Darf Nicht Bei Uns Hier Betten!†oo af Jarmal ah micnihii “Nagulama Tukan Kartid Masjidkan!†Kolkaasuu inta i tukhaan-tukhiyay, ii sii raaciyay “Bitte Gehen Bevor Was Basiert!†Micnihii “Fadlan, iska tag intaysan wax dhicin!â€
Alla naxdin waynaa. Kol waan yax-yaxay. Kolla waan cadhooday. Kolna yaab iyo amakaag ayaan af labadii dhowaaqay, oo aan idhi "ma diirrka madaw ayaanan Ilaahay ugu tukan karin Bilaal ba wuu madoobaaye?" "Maya wuu tukaan karaa" ayuu yidhi "kuwa kula socdaaba waa madaw, balse midabkaaga furan (maariin casaan xiga) iyo san-qaroorka kugu yaal waxaad caddaynayasaa inaad Ogaadeen tahay".
Walaalihii Maraykanka iyo Naajeeriyaanka ayaa qudhoodu u qaatay in meesha laysku midab takooraayo, oo aad u xanaaqay, buuq iyo sawaxan aysan filaynin maamulka masaajidku ayaa cirka isku shareeray. Dadkii horay masaajidka u buuxiyay gudihiisa ayaa dibada u soo yaacay. Iyadoo lays yidhi cunsuriyiinta muslimiinta neceb ayaa masaajidkii soo weerartay. Nin waliba wuxuu u soo diyaar garoobay in uu dagaalka jihaadka ah ka ajar doonto. Kolkii uu maamulkii masjidku arkay in talo faraha ka sii baxayso, ayay iga codsadeen in aan xafiiska u raaco. Hase yeehee walaalihii Maraykan iyo Naajeeriyaan ayaa diiday in kaligay luuq la ila galo.
Culumadii Turkiga ayaa iyagoo ka cadhaysan Ogaadeenimadayda (malahooda), iyo meesha buuqa ka dhacay oo ay aniga dusha iga saarayaan, illeen hadii aanan jireenba dhibkan maanta muuqdaa madhaceene. Waxay yidhaahdeen iyagoo walaalihii ila socday u muujinaaya in xaalku uusan ahayn sida ay moodayaan ee midab takoor eh, “Ninkani waa nin Ogaadeen ah ,Ogaadeenna tiraba sadex goor ayay na xadeen.†Iyagoo hadalka sii wada ayay culimadu yidhaahdeen, “Intay noo yimaadeen ayay nagu yidhaahdeen, “waxaannu nahay dad muslimiin ah. Waxaa na gumaada, gabdhahayaga kufsada, horumar noo diiday, inaanu diintayada caabudno noo diiday, gaalo Ethiopia la yidhaa. Waxaanu nahay ONLF. Waxaannu doonaynaa in nala caawiyo.â€
Waxaanu siinnay kol 10.000 US$ kolla 7000 US$. Aakhirkii waxaannu ogaannay in ay lacagtaas aanu siinay iyaga dhexdoodu ay isku laayeen, Jarmalka dhexdiisa qaybsigeedii, oo ay mukhaadaraad Jaad la yidhaa ku cuneen, Culimada Turkiga waxay sheegeen in “iyaga dhexdooda ayuun baana, isa soo jaajuusay. Sidaas darted, maamulka muslimiinta ee masjidka wuxuu go’aansaday “No Ogaden in the Mosque!†“Masjidka Ogaadeen waa ka mamnuuc!â€
Walaalihii dagaalka igula jiray ayaa anigii i eegi kari waayay, balse waxaan u sheegay in aanan ogaadeen ahayn. Waxayse iigu darreen nimankii Turki in Abaskuusha aan u sheegtay waligoodba may maqal. Kolkii aan u sheegtay Reer Jigjiga ayaba mindidii sii soofaysteen oo yidhaahdeen “Aalow caqliga hanaga qaadin!! Miyaanaan ku garanin! Nooga bax masjidka khaa’inyahoow! Cibaadada hanaga nusqaaminine!â€
Walaaladii madoobaa ayaa meesha iga kaxeeyay oo i geeyay Masaajid ay leeyihiin qolyo Albaaniya ah. Alla naxdin iyo waji gabax waynaa. Tiina sidii iyo si ka daran ayaa igu dhacday. Waxaa laygala hor yimid, “noo tuugsi, hadhow tana mukhaadarada sadaqada aan bixinnay lagu iibsado.â€
“Shalay maan tukanin salaadii Jimce, waxaanan eersaday dhiigga aan la wadaago Ogaadeen.â€
Salaadii kadib ayaan labadii masaajidba maamulkoodi la xaajooday waxaanan ka dhaadhiciyay micnaha ONLF iyo ayaan-darada ay shacbigayaga ku hayaan, kufsiga ay gabdhahayga badaan, boobka ay agoontayada ku dhigaan, carqaladaynta joogtada ah ee ay horumarka shacbiga tiigsanaayo ku hayaan, qaraxyada ay iskuulada ka gaystaan, jid-gooyada ay safraha reer miyiga ku dhigaan.
Waxaan u sheegay in aan dhiig ahaan wadaagno, balse ONLF ay tahay jin iyo shaydaan malahayga shacbigayga ilaahay ku imtixaamaayo. Ma aan ahi Ogaadeen, balse waxaan maamulka labadii masaajid ku guulaystay in aan ka dhaadhiciyo, in 98% shacbiga Ogaadeenku xallaal yahay, ee uun 02% tuugta Ilaahay xadhigiisii ka furtay ee meel walba nusqaanta la joogtaa yihiin ONLF isla markaana ay iska ilaaliyaan.â€
Sidii ayaa inkastoo salaadii i dhaaftay xaal laygu siiyay lacag gaadhaysa 1300 US$ oo aan kolkii danbe qaarkeed celiyay. Waxaayna labada maamul ee masaajidda haatan ballan ii dhigeen si aan war bixin guud iyo sawirka dhabta ah ee ONLF iyo waxa dhabta ah meesha yaalla uga siiyo 25 bishan March.



IslamOnline






















ASCWRWaar ninkan waxaan ku
ASCWR
Waar ninkan waxaan ku sheego iyo waxaan idhaahdo ma aqaan waar-kan
waa waxbayahay siiroo
Hamse,Allah is your
Hamse,Allah is your witness.Don`t bear false witness in the house of Allah.Look at how you brought shame on yourself and everyone is laughting at you and trash you wrote.The joke is on you!!
Faarah
kkkkkkkkkkkk waligay nin ka nacsan ma arag... qoraanimadiibuu meel uga dhacay
the most idiocy article i have ever seen !!
Lol Nacas sanaa article kan nin ka Qoray, dad ka ma xoolo ugaadha ayuu moodayaa ?,, Ogaden iyo somali iyo all East african maxay turki iyo albanian ka kala garan, Talo == niyaw waxan oo kale xitaa caruurta 3 jirka ah ayaa ku qoslaysa ee isla yaab oo mar dambe hasoo qorin
By: Guhaad H. Ali
Maxuu ka Wadaa??
Who is fool: The Turks or the Writer..?
Initially, I found this story really funny! I kept laughing while reading most of the article, until I reached the part where he made ridiculous accusations against ONLF. Now the ONLF and its members are no angels. But the accusations made by this writer are so ridiculous that even the meles regime wouldn't entertain making them. Then I stopped and thought about the whole story.
First the idea that a Muslim person would be denied to pray in a mosque, by other Muslims not because of some crime he committed, but because of his complexion and features is odd! Second, the writer portrayed the Turks and Albanian Muslims as idiots who consider anyone with Somali features as an Ogadeeni! Somalis are known throughout the world, and wherever there are some Ogadeenis, there are far numerous Somalis in every region and every country. This undermines the writers dubious rationale that Turks and Albanians in Germany being familiar only with Ogadeenis.
It appears Hamse Haydar made up this whole story. But unfortunately for him, he went overboard, and ended up puncturing his own false baloon!
Hamdi Mohamed
Allaaaaaaaaaah ka baq walaal.
horta walaal qisadan waa mid aad loola yaabo,,, in waa beentaa lagulasoo boodana maaha,, waxayna aad iigu muuqataa aniga in ay tahay mid la (fabrigareeyey) oo gacan ku samays ah.. taasna waxaa kuu sheegaya caqliha suuban. runtiina waxaad meel kaga dhacday Qabiilka aad sheeganayso ee sharafta & qaddarinta mudan ABASKUUL & beesha OGADEN.. kollayna walaal waxaad u egtahay nin ay cuqdad buuxisay waxaad xumaysatayna runtii magaranaayo,ee laakiin waxay ahayd in aan si kale ood u daac-daacdo raadsato laakiin qisadaas waad ku fashilantay.. fadlana ha u noqon waxaas oo kale shaqo nin wayn maaheee..(runtiina waxaad iska dhigaysaa nin wax u dhimaya ururka lagu muransan yahay ee ONLF ceebo faro badana way leedahay runtii,,laakiin waxaad wax u dhimaysaa adugu beel waynta OGADEN.. ee walaal ONLF sideeda u weerar way kuu furan tahay laakiin walaal beesha OGADEN in aad wax u dhinto maya waana laga fiican yahay.
geeljire55@gmail.com
When you suffer from chronic
When you suffer from chronic inferiority complex, when your hatred for certain people, Ogadenis, have no boundary, when conveying your message -no matter how ridiculous it may be- is more important to you than being honesty with youself and respectful to your readers then you will end up becoming a fool like the author of this so called article.
Mr. whatever, you need to wise up. Please respect you potential readers, Not only Turks and Albanians and others Muslims as well. If you have a problem with Ogadenis you need to appraoch and deal with them in a more rational way. Such immaturity of yours will only hurt you not them!. Grow up.
what a idiot person
warkani doqonsana the most foolish man in the world doqonimadii ayuu koobka qaaday he is champion that is well fabricated lie. dadka muxu mooday he talk like a child, if i want to tell something it should be something close to the real been hadaad sheegi mid run u egsheeg why he care about Germany,,turkey, Albania and abuuskull he is dump ass loool peace of shit.