Maamulkii Gobolka Qoraxay Oo Lasheegayo In Jabhada ONLF Jidka Ugashay
Jijiga(Kilil5)---War aanu ka helnay Gobolka Qoraxay ayaa sheegaya in
maamulkii Gobolka oo kasoo kicitimay degmada shaykoos una siijeeday
dhanka degmada Qabridahar ayaa lasoo sheegayaa in ay jabhada ONLF dhexda
u gashay oo ay ka dileen dhawr qof. Maamulka gobolka oo uu watay
gudoomiyaha gobolkaas mudane Bashiir Axmed Cawar ayaa sida lasheegay u
tagay degmada Shaykoos in ay soo maxakamadeeyaan qaar kamid ahaa
maamulkii degmadaas oo uu dhawaan shaqooyinkii ka eryay.
Gudoomiyaha ayaa sida warku nagusoo gaadhay ay lasocdeen masuuliyiin ka
tirsanaa Maamulka gobolkaas iyo kuwa labada degmo ee Q/dahar iyo
Shaykoos kuwaas oo ay kamid ahaayeen Garsoore magaciisa naloogu sheegay
Carab (20 leh) oo isagu heer kilil kasocday maamulkuna ay u kaxaysteen
si uu usooxukumo dadkaas iyo labo xidigleh haystay ciidamada Liyuu
booliska gobolkaas. Weerarkan oo ka dhacay meesha magaceeda layidhaa
Wiji-Waaji oo u dhaxaysa labadan degmo ayaa lasheegaya in Labadan
masuulba ay ku dhinteen weerarkan ay jabhadu jidgooyada ugu samaysay
kolanyada uu watay maamulku.
Gudoomiyaha gobolkan ayaa todobaadadii lasoo dhaafay kala diray badiba
xubnihii maamulkii gobolkaas iyo degmooyinkiisaba ayaa hada rabay in
badidooda saaro maxakamad. Garsoorahan dhintay ayaa isagana naloosheegay
in uu kamid ahaa garsooarayaashii xukumada badan kafuliyay deegaanka
wakhtiyadii Gam-Gamaha (Qiimaynta) gaar ahaan dadkii lagu eedeyn jiray
in ay xidhiidh lalahaayeen kooxaha nabadiidka ah, garsoorahan ayaa
sidookale loogu magacdaray xukumadii dheeraa ee uu ujarijiray dadkaas
waxaana hada lagu naanaysi jiray 20 leh taas oo macnaheedu ahaa cida uu
xukumaayo uga muuyarayn jirin 20 sano.
Sidookale waxaalasheegayaa in ilaa hada aan la ogayn meesha ay
kusuganyihiin 2 baabuur oo nooca uuraalka looyaqaan ee dagaalka ahaa oo
ay wateen maamulka gobolkaasi. Waxii war ah ee kasoo kordhana waxaad
kalasocondoontaan halkan hadii eebe yidhaa
Jijiga
Kilil5 Online



IslamOnline





















