Roobkii Gu’ga oo Ka Curtay Raaso iyo Warar Kale oo Raaso Ku Saabsan
Addis Ababa (Kilil5)--- Wararka naga soo gaadhaya magaalada Raaso ee deegaanka Raaso ayaa sheegaya in uu roobkii gugu ka da’ay deegaanka oo dhan. Roobka oo udub dhexaad u ah nolosha ayay wararku sheegayaan in magalaada Raaso, magaalada Buundada iyo guud ahaanba jiidda webiga iyo dhamaanba tuulooyinka iyo deegaanka magaalada Raaso kaga beegan dhanka koonfureed iyo dhanka waqooyi ay roobab badan ka da’een dhawrkii maalmood ee lasoo dhaafay. Roobka ayaa hadda uun curtay. Maraan la xiriiray mas’uuliyeen deegaanka jooga, waxay iisheegeen in roob aad u badan ka da’ay agagaarka magaalooyinka Ceel Afweyn, Salaxaad iyo Magaalo Qansax oo dhanaantood dhanka woqooyi kaga beegan magaalada Raaso. Waxaa kale oo ay iisheegeen inuu 24-tii saac ee lasoo dhaafay uu roob aad u badan ka da’ayay magaalada Raaso gudaheeda. Roobabkan badan ee da’aya ayaa lasoo sheegay inay galaafteen nolosha afar qof oo ay biyo kula tageen degmada Iimeeyda Galbeed.
Dhanka kale mashruucii shirkadda AKIR ee jid dhisidda kawaday ee deegaanka Raaso ayay wararku sheegayaan in uu meel wanaagsan marayo. Wadadan deegaanka laga dhisayo ayay dawladda Itoobiya qorsheynnaysaa inay noqto wado weyn oo isku xidhi doonta dhul gaadhaya 800 oo kilomitir. Wadadan Raaso marta ee hadda la dhisayo ayaa waxay kasoo bilaabataa magaalada Shashamane ee deegaanka Oromada iyada oo soo marta gobolka weyn ee Baali ugu dambeynta dhexmarta magaalada Raaso, una sii dhaafta dhanka magaalada Iimeey.
Wixii warar ah kasoo kordha roobabkan laxaadka leh ee deegaanka ka curtay gadaal baan idiinka soo tabin doonnaa.
Yahaya Yusuf
Addis Ababa



IslamOnline













