Foolataye Allow usahal
Dhawaan waxa la filayaa in doorasho loo dareero dalka oo dhan ka dhacda, masahlana xanteedu hadana waxa cad in nin walbaa iskii hoos uquuxayo Deegaanka soomaalida markii u horaysay waxa salka loo dhigay dawlad sal adag oo ka soo tafiirantay barnaamijkii shaqada iyo shaqaalaha
Barnaamijkaas oo aan dadka ka wada qoslin loona badiyay inuu ahaa olole siyaasadaysan halka dadka inta badan ay u arkaan inuu ahaa qorshe siyaasadeed uu farsamaynteeda lahaa madaxwayne Daa'uud oo jidka usii xaadhanayay hanaan isaga ugaar ah.
Qaabkii lagu kala diray dad badan oo professional ah oo deegaanka udhalatay ayaa waxa lagu tilmaamay inay ahayd wax lagu tilmaamay inay dadkaasi martay cagaf-cagaf uu dirawal ka ahaa nin aad ugu dhawaa muddo dheer madaxwaynaha oo magaciisa la yidhaah Axmed Carab isaga oo muddo hormood usoo ahaa gudigii reformka dad badana ku galaaftay ololahaasi. waxa ay cagaftaasi wadada usii xaadhay madaxwayne Daa'uud Maxamed Cali iyo hanaankiisa maamul
Hanaankan Cusub ee madaxwayne Daa'ud waxa uu dhiirigaliyay waxyaabo badan oo aasaasi ah dadkuna ay aad usoo dhaweeyeen laakiin waxa uu maamulka madaxwayne daa'uud ku soo beegmay xili la sii kala tagayo oo fooshii dawlada dhexe ay dhawdahay inkastoo ay taasi ayna rajo xumo ayna ku ahayn maamulka jigjiga oo la filayo uun in addis ababa ay curato wixii u caadada ahaa inay dhasho 18kii sanadood ee la soo dhaafay.
waxa rajo laga qabaa in muwaadiniintu ay codkooda dhiibtaan inkastoo iyadana la leeyahay waa canjilaad oo doorashadii dhabta ahayd maaha hadana magaca waa ka doorasho!! qolyaha caalamka lagu tiriyo inay yihiin dimuqraadiyad diidka ayaa ku dooda in ceebaha dimuqraadiyadu ay leedahay ay tahay adoo doorta dadka makasta ah waxase taasi ka sii daran oo sheekadii ka dhigay kaaf iyo kala dheeri marka laguu soo xulo makasta oo aadan adigu codkaaga aadan ku soo xulan
Sida caadada ah ismaamulka soomaalida waxa xiliyada udiyaar garowga doorashada ku soo qulqula wufuud uu horkacayo ninka uga masuulka ah dawlada dhexe arimaha deegaanka soomaalida kaasi oo duqaytida iyo odeyaasha Qaba'ilka ku qanciya shakhsiyaadka loo soo xulay iyo hanaanka doorashada sida laga warhayana waxa laga bilaabo heer kilil ilaa degmo ama qabalee jooga wakiilo dawlada dhexe ah oo lagu tilmaamo la talyayaal haseyeshe intooda badan ah kuwo shaqo looga dhigay amuurahan oo hawlgab ka noqdey dhinaca ciidamada oo ay muddo dheer ay ku soo dhex jireen iyaga oo sahlay in awoodo badan oo iyaga ka amar qaata ay udhaadhiciyaan heer degmo ilaa qabalee ama ilaa ururada rayidka ah sida kuwa dhalinyarada.Hanaanka guud ee dawlada madaxwayne Daa'uud inkastoo uu dadka farxad galiyay hanaankeeda shaqo hadana waa sidii reer geediya oo aan loo sahan tagin meeshii rarka lagu furi lahaa.
Deegaanka waxad moodaa kacaankii siyaad barre oo maraya 1972 waxa ay dhagahaagu qabanayaan codadka amaanta ah ee heesaha loo tiriyay dawlada cusub iyo maamulkeeda ,mararka qaarkood waxad ismoodaysaaba inaad dhextaagantahay wadamada Aadka u xidh xidhan ee boqortooyada ah sida wadamada carabta oo dhagahaagu maqlayaan xafidahulaah-waracaah- sidaas si lamida waa heesaha socda ee nafta lagu maaweeliyo waxa kamida "cabdi-diintaan ku dhaartaye" oo ah hees ugaar ah ciidamada sida wanaagsan ugu guulaystay amaanka ismaamulka ee hoostaga hogaanka nabadgalyada cabdi muxumed cumar ee loo yaqaan liyuu police heestaas oo ay ku amaanaan waxqabadka amiirkooda.Wadanku waa wada jilbaysanyahay, dhinac shaqo waa loo dhaqaaqay hadana wakhti waa loo hayaa afmaal iyo Hoballo gaajaysan murtidooda in dadka lagu dawakhiyo
Dhinac kale dawladu marbay ku soo dhawaataa jidkii kacaankii siyaad barre iyada xawaare ku socota taariikhdana aad moodo inay caga cagaynayso sanadihii 1985-1989 waxa aad arkaysaa xafiisyada oo aan boos lagaaga waayayn hadii aad tahay nin kacaanka la socda adoo arkaya in waliba in inta aadka ula dhacsan kacaanka ay ku urursanyihiin xafiiska madaxtooyada deegaanka iyaga oo lagu taxay masuuliyada shaqo aan jirin cidna haqadin kana eed la'aw waa siyaasada madaxwayne daa'uud uu ku ilaashanayo disdida dhariga saaran iyada oo waxa kaliya ee lagu wada mashquulay ay tahay UBO iyo wax aan jirin
Nabadgalyada ayaa xooga aad loo saaray oo ah mashruuc aadlooga sheekeeyo oo aan dhamaad lahayn , BBR iyo tobabar aan dhamaan
waxan jaleecay dhinac kale oo waxan arkay kuwo kale oo kaba duwan waana qolo yaaban!!!!! Qolo dhexe oo yaaban waa aqoonyahanada qunyar socodka ah ee ku jira hanaankan dawladeed runtiina codkooda lama maqlo fursad uma helaan ay afkaartooda banaanka ku soo dhigaan waxayna ka war sugayaan Alle iyaga oo leh Raboow Foolataye wax roon waxay jeclaan lahaayeen inay meelaas isaga arsaaq tagaan hadii degmooyinka la sheegay in loo dhaadhicinayo ficilkeeda lagu dhaqaaqo



IslamOnline





















