Ethiopia:Degmada Xarshin oo loosiidaayay khadkii Mobileka, Xalada dhabta ah ee ka jirta halkaas
Jijiga(Kilil5)---Degmada Xarshin oo katirsan gobolkan Jijiga ayaa loosiidaayay khadkii taleefanada gacanta ee Mobileka. Degmada oon aad uga fogayn magaalada Qabribayax aya waxay aad uga liidatay Kaabayaasha Dhaqaalaha sida Taleefanada, Wadada, biyaha iyo Laydhka. Degmadan ayaan lahay wado fiican taas oo kaliftay in ay aad u yaraadaan isusocodka gaadiidku.
Magaaladan ayaa waxaa ka shaqeeya hal bas kaasoo subaxa kasoobaxa yimaadana degmada Qabribayax isaga oo soo dhex maraya qabaleega harta sheekha oo hore u ahaan jirtay xarun ganacsi intii aan loorarin ganacsigii Qabalaha Wajaale. Baskan ayaa hadii uu subaxdii kaasoo horbaxo amaba kaa buuxsamo ay qasabtahay in aad hal maalin dib usiijoogto inta uu baskaasi kasoo laabanaayo. Degmada ayaan sidookale lahayn gaadiid marka laga reebo hal baabuur oo Qabaal ah oo uu leeyahay maamulka gobolkaasi.
Dhanka Biyaha magaaladan ayaan lahayn Ceelal iyo Qasabado ay dadku ka cabaan balse waxaa kaliya ee dagmada biyo u ahi ay yihiin baraago ay dadka iyo xooluhu kawada cabaan. Biyaha barkadaha ayaan iyagu ahayn biyo nadiif ah isla markaana aan loo isticmaalin dawooyinka biyaha nadiifiya sida Kalooriinta. Sidoo kale, midabka biyaha ayaa ah mid aad u cas oo qofka kucusubi uusan u mohanayn inuu cabo.
Laydhka ayaan isna lagaadhsiin degmadaas, balse waxaa jira Ganereetar gaar looleeyahay oo ay isticmaalaan meheradaha ganacsiga iyo xaafadaha qaar, kaas oo aad diciif u ah dadkoo dhana aysan wada isticmaali karin. Laydhkan ayaa habeenkii lashidaa 12 ka fiidnimo isla markaana labakhtiiyaa afarta Fiidnimo isaga oo shidnaada 4 saacadood oo kaliya.
Dhanka Taleefanada, Degmadan ayaa lahaan jirtay isgaadhsiinta taleefanada dhulka (land line) balse laga gooyay mudo hada laga joogo labasano, waxaase hada degmadaasi loosiidaayay khadkii Mobile ka kaas oo baryahanba dhismaha Anteenooyinku ay jidka kusii jireen isla markaana hada uun la dhamaystiray. Dadka halkaas dagan iyo kuwa kasoo jeeda degmadaas ayaa aad ugu farxay siidaynta khadkan iyaga oo ku tilmaamay in uu horumarka qayb wayn kayahay hadana ay fursad u helidoonaan in ay la xidhiidhaan eheladooda iyo qaraabadooda oo ay si joogta ah uga warhayn karaan islamarkaana dadka dibada uga maqani ay lasoo xidhiidhi karaan.
Dhanka kale, magaalada Jijiga ee Caasimada Deegaanka ayaa siwayn loga xusay Xuska Dhalashadii Rasuulkeenii Muxamed (SCW). Xuskan oo habeen hore lagu qabtay hoolka shirarka ee Sayid Maxamed Cabdile Xasan ayaa waxaa soo agaasimay Golaha shuurada, Xafiisyada Shareecada(Gobol iyo degmo) iyo Maamulada Masaajida waxaana kasoo qayb galay dad aad u tirobadan oo ay kamid ahaayeen madaxda deegaanka,Culimo Awdiin iyo Shacab aad utirobadan. Munaasabada noocan ah ayaa ahayd tii ugu horaysay ee nooceedan ah ee siwada jira looga xuso Deegaanka, waxaana munaasabadan lagaga sheekeeyay taariikh nololeedkii Rasuulka(SCW) iyo ahmiyada ay uleedahay umadaha islaamka kudayashadiisa iyo xusidiisa.
Jijiga
Kilil5 Online



IslamOnline













